{"id":1763,"date":"2026-08-05T12:10:41","date_gmt":"2026-08-05T12:10:41","guid":{"rendered":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=1763"},"modified":"2026-08-05T12:10:42","modified_gmt":"2026-08-05T12:10:42","slug":"mw-deni-oo-si-adag-kaga-hadlay-dagaalkii-gaalkacyo-eedeeyayna-df","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=1763","title":{"rendered":"MW Deni oo si adag kaga hadlay dagaalkii Gaalkacyo, eedeeyayna DF"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo ciidanka ay kula wareegeen xaruntii PSF ee magaaladaasi.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Deni ayaa sheegay in howlgalkii ka dhacay Gaalkacyo ay farriin u tahay cid kasta oo ka shaqeyneysa wax kasta oo liddi ku ah dowladnimada Puntland.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayuu sheegay in dhowaan dowladda federaalka ay ku soo daabulaysay hub iyo ciidan ay doonaysay in ay ku qalqal geliso amniga iyo xasiloonida Puntland.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Madaxweyne Deni ayaa mar kale ku celiyay in madaxweyne Xasan Sheekh uu wado falal uu ku qalqal gelinayo kala dambeynta iyo nabadgalyada ka jirta Puntland, isagoo adeegsanaya dad leh dano gaar ah.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Waxaa uu sheegay in ciidanka maanta Gaalkacyo looga adkaaday ay isugu jiraan malleeshiyaad degaanka ah iyo kuwa Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka keenay Muqdisho.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Sababta uu madaxweyne Xasan Sheekh uu uga shaqeynayo arrintaasi ayuu ku sifeeyay inuu doonayo inuu ka dhigo meel aan ka jirin kala dambeyn iyo dowladnimo si ay meesha uga baxdo doorka Puntland ay ku leedahay dowlad dhiska islamarkaana dalka si gurracan loo maamulo.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Waxaa uu sheegay in Puntland ay leedahay ciidamo islamarkaana ciidan meel kale ka imaanaya oo laga maamulayo aysan suurtagal ahayn inuu ka jiro Puntland.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u201cWaxaan u mahadcelinayaa ciidamada geesiyaasha ah ee difaaca Puntland oo ka howlgala dhammaan gayiga Puntland oo la dagaallamay Alshabaab, Daacish oo mar walba u taagan xasillinta guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland\u201d ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Saraakiisha ciidamada ayuu sidoo kale kaga mahadceliyay sida ay u illaaliyeen kala sarreynta iyo kala dambeynta una qorsheeyeen howlgalkaasi ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Waxaa uu sheegay in xerada maanta ku soo noqotay gacanta Puntland ahayd xero maamulka uu maamulo balse muddooyinkii dambe ka shaqeyneysay nidaam qaldan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa madaxweyne Xasan ugu baaqay inuu joojiyo dhibaatooyinka uu sameynayo isagoo muddadii ay ka dhammaatay.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Geesta kale, wuxuu Galmudug uga mahadceliyay in uu iska diiday kala shaqeynta dhibaatada Puntland, islamarkaana sidaas oo kale Puntland aanay oggalaan doonin wax kasta oo liddi ku ah Galmudug.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Dayax Media Network<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Galmudug, Somalia<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo ciidanka ay kula wareegeen xaruntii PSF ee magaaladaasi. Deni ayaa sheegay in howlgalkii ka dhacay Gaalkacyo ay farriin u tahay cid kasta oo ka shaqeyneysa wax kasta oo liddi ku ah dowladnimada Puntland. Howlgalka oo ahaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":1767,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"footnotes":""},"categories":[8],"tags":[],"class_list":["post-1763","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-gudaha"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1763","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=1763"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1763\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1768,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1763\/revisions\/1768"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/1767"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=1763"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=1763"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=1763"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}