{"id":1776,"date":"2026-08-06T08:57:59","date_gmt":"2026-08-06T08:57:59","guid":{"rendered":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=1776"},"modified":"2026-08-06T08:59:56","modified_gmt":"2026-08-06T08:59:56","slug":"puntland-oo-afjartay-joogitaanka-ciidankii-psf-iyo-boosaaso-oo-ay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=1776","title":{"rendered":"Puntland oo soo afjartay joogitaanka ciidankii PSF iyo Boosaaso oo ay\u2026"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Puntland ayaa si rasmi ah ula wareegtay xaruntii ugu dambeysay ee ciidanka PSF ku lahaayeen magaalada Boosaaso xilli shalay ay la wareegtay xeradii waqooyiga Gaalkacyo.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ayaa saaka gudaha u galay xaruntani oo ahayd talis muhiim ah oo ay degganaayeen cutubyo ka tirsan PSF.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Qoraal uu baahiyay taliska ciidanka difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in xerada amnigeeda la xaqiijiyay islamarkaana ay iminka gacanta ku hayaan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Puntland ayaa si cad u sheegtay in ciidankaasi halkaasi ku sugnaa ay ahaayeen malleeshiyaad isku ekeysiiyay ciidamada ammaanka, islamarkaana tallaabo lagu adkeynayo amniga laga qaaday.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Tallaabadani maanta lagu wareegay taliskan ayay Puntland sheegtay inuu yahay howlgalka amniga lagu xoojinayo oo daba socda kii shalay lagu wareegay xeradii ay isla ciidankan ku lahaayeen Gaalkacyo.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Arrintani ayaa ka dhigan in gebi ahaanba Puntland ay soo afjartay joogitaanka ciidamada PSF ee gudaha maamulkaasi xilli la ogsoon yahay in dhowr jeer oo hore ay ku dagaallameen meelo kale duwan oo ka tirsan Puntland.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Wixii ka soo kordha dib kala soco halkaan.<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Dayax Media Network<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Galmudug, Somalia<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Puntland ayaa si rasmi ah ula wareegtay xaruntii ugu dambeysay ee ciidanka PSF ku lahaayeen magaalada Boosaaso xilli shalay ay la wareegtay xeradii waqooyiga Gaalkacyo. Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ayaa saaka gudaha u galay xaruntani oo ahayd talis muhiim ah oo ay degganaayeen cutubyo ka tirsan PSF. Qoraal uu baahiyay taliska ciidanka difaaca Puntland [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":1777,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"footnotes":""},"categories":[8],"tags":[],"class_list":["post-1776","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-gudaha"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1776","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=1776"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1776\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1780,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1776\/revisions\/1780"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/1777"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=1776"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=1776"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=1776"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}