{"id":1787,"date":"2026-08-06T11:09:17","date_gmt":"2026-08-06T11:09:17","guid":{"rendered":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=1787"},"modified":"2026-08-06T11:09:19","modified_gmt":"2026-08-06T11:09:19","slug":"degdeg-rw-xamse-oo-amar-culus-dul-dhigay-gollaha-wasiirrada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=1787","title":{"rendered":"DEGDEG: RW Xamse oo amar culus dul-dhigay gollaha wasiirrada"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Shirka gollaha wasiirrada ee XFS ayaa maanta oo khamiis ah ka qabsoomay magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir guddoomiyay Ra\u2019iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Hindise sharciyeedka Asalka Badeecadaha oo ay soo gudbisay wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayay golluhu cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa gollaha hor-geysay warbixin wadata xog naqshadaysan oo ka hadlaysa Baasaboorka iyo Tira-koobyo, waxaana warbixinta lagu xusay in la joojiyay wax ka beddalka xogta Baasaboorka Soomaaliga si loo sugo sumcaddiisa.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Wasiirka koobaad ee xukuumadda federaalkaXamsa Barre ayaa wasiirrada iyo masuuliyiinta sare ee dowladda ku boorriyay in ay ku safraan Baasaboorka Soomaaliga ah si loo dhawro xurmada iyo sharafta masuulka dowladeed uu leeyahay.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Shirkii gollaha ee maanta ayaa sidoo kale wax ka beddal lagu sameeyay guddiga adeegga Garsoorka kaddib soo jeedinta wasaaradda cadaaladda waxaana mudane Cali Macallin lagu beddalay sharci-yaqaan Aadan Kuulow Macallin Khaasim.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Dayax Media Network<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Galmudug, Somalia<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Shirka gollaha wasiirrada ee XFS ayaa maanta oo khamiis ah ka qabsoomay magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir guddoomiyay Ra\u2019iisul wasaare Xamse Cabdi Barre. Hindise sharciyeedka Asalka Badeecadaha oo ay soo gudbisay wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayay golluhu cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa gollaha hor-geysay warbixin wadata xog naqshadaysan oo ka hadlaysa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":1788,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"footnotes":""},"categories":[8],"tags":[],"class_list":["post-1787","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-gudaha"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1787","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=1787"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1787\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1789,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1787\/revisions\/1789"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/1788"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=1787"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=1787"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=1787"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}