{"id":1814,"date":"2026-08-09T13:56:00","date_gmt":"2026-08-09T13:56:00","guid":{"rendered":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=1814"},"modified":"2026-08-09T13:56:01","modified_gmt":"2026-08-09T13:56:01","slug":"maxay-tahay-warbixinta-ka-dhanka-ah-mw-xasan-oo-axmed-madoobe-uu-siiyay-safiirka-faransiiska","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=1814","title":{"rendered":"Maxay tahay warbixinta ka dhanka ah MW Xasan oo Axmed Madoobe uu siiyay safiirka Faransiiska?"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa magaalada Kismaayo kulan kula yeeshay safiirka dowladda Faransiiska u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya Arnaud Squet.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Kulankani ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee Jubbaland, dagaalka Alshabaab iyo sidoo kale marxaladda ay marayso Soomaaliya.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in horumarro ay ka sameeyeen dhanka amniga iyo dagaalka Alshabaab oo degaanno hor leh ay Kooxda ka fara-maroojiyeen kuwaasoo dhaca Jubbooyinka.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Intii uu kulanka socday ayaa la isku soo hadal qaaday marxaladda kala guurka ah oo uu dalku marayo, waxaana madaxweyne Axmed Madoobe uu u sheegay safiirka in madaxweyne Xasan Sheekh uu iska laabay dastuurkii ay ku heshiisay Soomaalida.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Sidoo kale, madaxweyne Axmed ayaa safiirka siiyay warbixin ku saabsan sida dowladda dhexe oo waqtigeedu dhammaaday ay u diidan tahay in laga heshiiyo nooca doorashada, isagoo madaxweyne hore Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu abuurayo xasarado siyaasadeed.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Wali waxaan xal buuxa laga gaarin khilaafka muddo soo jiitamayay ee la xariira doorashada kaasoo u dhaxeeya Dowladda federaalka oo dhinac ah iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay wehliyaan labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Dayax&nbsp; Media Network<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Galmudug, Somalia<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa magaalada Kismaayo kulan kula yeeshay safiirka dowladda Faransiiska u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya Arnaud Squet. Kulankani ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee Jubbaland, dagaalka Alshabaab iyo sidoo kale marxaladda ay marayso Soomaaliya. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in horumarro ay ka sameeyeen dhanka amniga iyo dagaalka Alshabaab [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":1815,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"footnotes":""},"categories":[8],"tags":[],"class_list":["post-1814","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-gudaha"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1814","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=1814"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1814\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1816,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1814\/revisions\/1816"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/1815"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=1814"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=1814"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=1814"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}