{"id":2008,"date":"2026-08-17T14:43:55","date_gmt":"2026-08-17T14:43:55","guid":{"rendered":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2008"},"modified":"2026-08-17T14:59:58","modified_gmt":"2026-08-17T14:59:58","slug":"degdeg-puntland-oo-ku-dhawaaqday-inay-xirtay-xadkii-ay-la-lahayd-galmudug","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2008","title":{"rendered":"DEGDEG: Puntland oo ku dhawaaqday inay xirtay Xadkii ay la lahayd Galmudug"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Dowlad goboleedka Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqday in ay xirtay xadkii ay la lahayd dhiggeeda Galmudug.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Ciidamo badan oo ka tirsan Puntland ayaa la soo dhoobay waqooyiga magaalada Gaalkacyo kuwaasoo xiray xudduudka Galmudug, si loo adkeeyo ammaanka.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Hadalkan waxaa shaaciyay taliyaha qeybta booliska Puntland ee gobolka Mudug COL. Maxamuud Muuse Bile(Farda-Fuul) oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Gaalkacyo.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Waxaa uu sheegay in ay heleen xogo la xiriira qorsheyaal amni darro oo dowladda federaalka ay ka abaabulayso Gaalkacyo si ay isugu dhacaan labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Taliyaha ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu collaad ka huriyo magaalada Gaalkacyo.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Puntland ayuu sheegay inay heshay xogo horudhac ah oo ku saabsan dagaal sokeeye oo laga dhex wado labada maamul ee dariska ah, taasna ay sababtay in ay xirto xuduudka Galmudug.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Taliyaha ayaa intaas ku daray in la qorsheeyay qaraxyo la soo galiyo magaalada iyo in hoobiyeyaal laga dhex tuuro magaalada si labada dhinac la isugu dhufto.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Madaxweynaha Soomaaliya ee muddo xileedkiisu uu dhammaaday mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow oo galabta gaaray magaalada Gaalkacyo gaar ahaan qeybta dowlad goboleedka Galmudug.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Dayax&nbsp; Media Network<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Galmudug, Somalia<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowlad goboleedka Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqday in ay xirtay xadkii ay la lahayd dhiggeeda Galmudug. Ciidamo badan oo ka tirsan Puntland ayaa la soo dhoobay waqooyiga magaalada Gaalkacyo kuwaasoo xiray xudduudka Galmudug, si loo adkeeyo ammaanka. Hadalkan waxaa shaaciyay taliyaha qeybta booliska Puntland ee gobolka Mudug COL. Maxamuud Muuse Bile(Farda-Fuul) oo shir saxaafadeed [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":2009,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"footnotes":""},"categories":[8],"tags":[],"class_list":["post-2008","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-gudaha"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2008","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2008"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2008\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2012,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2008\/revisions\/2012"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2009"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2008"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2008"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2008"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}