{"id":2079,"date":"2026-08-19T12:46:08","date_gmt":"2026-08-19T12:46:08","guid":{"rendered":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2079"},"modified":"2026-08-19T12:54:38","modified_gmt":"2026-08-19T12:54:38","slug":"dhammeystirka-heshiiskii-jubbaland-iyo-janan-oo-ka-billaabanaya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2079","title":{"rendered":"Dhammeystirka Heshiiskii Jubbaland iyo Janan oo ka billaabanaya\u2026"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Sida ay sheegayaan warar ay heshay shabakadda Dayax Media heshiiskii isfahamka ahaa ee u dhaxeeyay dowlad goboleedka Jubbaland iyo taliyihii hay\u2019adda NISA ee gobolka Gedo Cabdirashiid Xasan Janan ayaa lagu wadaa in wajigiisii labaad oo ka qabsoomo magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Wada-hadallada Nairobi ayaa qorshuhu yahay in laga soo saaro heshiis rasmi ah oo dhinacyadu ay ka gaareen khilaafaadkii siyaasadeed iyo kii amni ee muddaba ka jiray degmooyinka gobolka Gedo.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Il-wareedyo ayaa u sheegay Dayax Media in Cabdirashiid Janan iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Nasteex Saalax ayaa u ambabaxay maalin ka hor magaalada Nairobi.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Waxa ay halkaas kula kulmi doonaan madaxda ugu sarreysa Jubbaland sida madaxweyne Axmed Madoobe, ku xigeenkiisa koobaad Maxamuud Sayid Aadan, siyaasiyiin iyo ganacsato ay is-xigaan Janan oo xallinta khilaafka qeyb ka ahaa.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Dowladda Kenya ayaa la xaqiijiyay in ay tahay midda gar-wadeenka ahayd heshiiskani intii uu soo socday.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Kenya oo saaxiib dhow la ahayd Axmed Madoobe tobankii sano ee la soo dhaafay ayaa kala shaqeysay inay u kala dab-qaaddo isaga iyo Janan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Cabdirashiid Janan ayaa markaa qorshuhu yahay in loo fasaxo Baasaboorkiisa Kenya oo iminka xanniban.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Heshiiska rasmiga ah kaddib waxaa Axmed Madoobe uu Cabdirashiid Janan u diyaariyay inuu qabto guud ahaan gobolka Gedo.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Ciidamada dowladda federaalka ah oo qeybo kamid ah gobolka jooga ayaa la qorsheeyay in wixii wada-hadal oggol Jubbaland lagu soo biiriyo halka inta kalena xoog looga saaro degmooyinka ay maamulaan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Madaxweynaha Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe aad uga dedaalayay in maamulka gobolka Gedo uu ku soo laabto gacantiisa siu u MW Xasan Sheekh Maxamuud uga la dagaallamo in gobolkaasi ay ka dhacdo doorashada aan heshiiska heysan ee cod iyo qof.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Wixii ka soo kordha kala soco halkaan.<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Dayax&nbsp; Media Network<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Galmudug, Somalia<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sida ay sheegayaan warar ay heshay shabakadda Dayax Media heshiiskii isfahamka ahaa ee u dhaxeeyay dowlad goboleedka Jubbaland iyo taliyihii hay\u2019adda NISA ee gobolka Gedo Cabdirashiid Xasan Janan ayaa lagu wadaa in wajigiisii labaad oo ka qabsoomo magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Wada-hadallada Nairobi ayaa qorshuhu yahay in laga soo saaro heshiis rasmi ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":2080,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"footnotes":""},"categories":[8,1],"tags":[],"class_list":["post-2079","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-gudaha","category-uncategorized"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2079","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2079"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2079\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2081,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2079\/revisions\/2081"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2080"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2079"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2079"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2079"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}