{"id":2083,"date":"2026-08-20T14:09:39","date_gmt":"2026-08-20T14:09:39","guid":{"rendered":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2083"},"modified":"2026-08-20T14:09:41","modified_gmt":"2026-08-20T14:09:41","slug":"degdeg-markab-shidaal-oo-la-afduubtay-xilli-uu-marayay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2083","title":{"rendered":"DEGDEG: Markab SHIDAAL oo la afduubtay xilli uu marayay\u2026"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Markab nooca kuwa shidaalka qaada oo marayay Gacanka Cadmeed meel ka yara durugsan Xeebaha dalka Yemen ayaa lagu soo warramayaa in ay qabsadeen koox burcad baddeed Soomaali ah.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Kooxda Markabkani qafaashay oo tiradooda lagu sheegay illaa lix nin oo hubeysan ayaa shaqaalihii Markabka ku qasbay inay u soo weeciyaan dhanka biyaha Soomaaliya.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Hay\u2019adda howlgallada Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Midowday(UKMTO) oo warkani shaacisay ayaa daboolka ka qaaday inay waddo baaritaanno la xariira halka rasmiga ah ee Markabka la geeyay iyo badqabka shaqaalihii saarnaa.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Isagoo ku safrayay Markabka Jihada Galbeed ee Gacanta Cadmeed ayuu weerarkani la kulmay waxayna Hay\u2019addu ku warramaysaa in xilligaasi Markabkaasi laga helay farriin degdeg ah oo uu soo diray.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Xaaladda amni ee marinnada Badda ee kala ah Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas ayaa muddooyinkii dambe sii adkaanayay maristooda iyadoo ay soo baxayeen walaacyada laga qabo falalka amni xumo oo Burcad Badeeddu ugu horreyso.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Illaa iyo iminka lama shaacin magaca Markabka loo soo afduubay dhanka biyaha Soomaaliya.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo laba Markab oo kale lagu heysto <a href=\"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2059\">Xeebaha<\/a> Soomaaliya kuwaasoo iyaga iyo shaqaalihii saarnaa oo dalal dhowr ah ka soo kala jeeda ay gacanta ugu jiraan koox Burcad Baddeed ah.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong><mark style=\"background-color:rgba(0, 0, 0, 0)\" class=\"has-inline-color has-vivid-red-color\"><br><\/mark><\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Dayax&nbsp; Media Network<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Galmudug, Somalia<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Markab nooca kuwa shidaalka qaada oo marayay Gacanka Cadmeed meel ka yara durugsan Xeebaha dalka Yemen ayaa lagu soo warramayaa in ay qabsadeen koox burcad baddeed Soomaali ah. Kooxda Markabkani qafaashay oo tiradooda lagu sheegay illaa lix nin oo hubeysan ayaa shaqaalihii Markabka ku qasbay inay u soo weeciyaan dhanka biyaha Soomaaliya. Hay\u2019adda howlgallada Ganacsiga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":2089,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"footnotes":""},"categories":[8],"tags":[],"class_list":["post-2083","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-gudaha"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2083","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2083"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2083\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2090,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2083\/revisions\/2090"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2089"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2083"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2083"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2083"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}