{"id":2223,"date":"2026-08-28T14:02:38","date_gmt":"2026-08-28T14:02:38","guid":{"rendered":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2223"},"modified":"2026-08-28T15:58:19","modified_gmt":"2026-08-28T15:58:19","slug":"mw-deni-oo-shaaciyay-cidda-ka-dambeysa-burcad-badeedda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2223","title":{"rendered":"MW Deni oo shaaciyay Cidda ka dambeysa Burcad-Badeedda"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi <a href=\"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2133\">Deni <\/a>ayaa ka hadlay falalka Burcad-Badeedda oo muddooyinkii ku sii xoogeysanayay xeebaha maamulkaasi.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Waxaa uu sheegay in howlaha Burcad-Badeedda ay ka dambeeyaan dalal shisheeye oo arrintaa ka leh dano gaar ah.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">MW Deni ayaa daboolka ka qaaday in dowladaha shisheeye Burcad-Badeedda ka dambeeya ay doonayaan Khayraadka Badda iyo kan Barriga.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Isagoo ka hadlayay degaanka Garacad ayuu tilmaamay in la doonayo in la yiraahdo Puntland ma difaaci karto falalka <a href=\"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2134\">Burcad-Badeedda<\/a> kaddibna ciidamo la soo dejiyo Xeebaha kaddibna ay gurtaan Khayraadka Puntland.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa ku wargaliyay Beesha Caalamka iyo shacabka Puntlandba in xukuumaddiisu ay si xooggan ula dagaallamayso Kooxaha.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Puntland ayaa hore kaalin uga qaadatay la dagaallanka Burcad-Badeedda iyadoo qeyb gashay howlgallo lagu burburiyay Kooxahaasi.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Dayax&nbsp; Media Network<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Galmudug, Somalia<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay falalka Burcad-Badeedda oo muddooyinkii ku sii xoogeysanayay xeebaha maamulkaasi. Waxaa uu sheegay in howlaha Burcad-Badeedda ay ka dambeeyaan dalal shisheeye oo arrintaa ka leh dano gaar ah. MW Deni ayaa daboolka ka qaaday in dowladaha shisheeye Burcad-Badeedda ka dambeeya ay doonayaan Khayraadka Badda iyo kan Barriga. Isagoo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":2224,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"footnotes":""},"categories":[8],"tags":[],"class_list":["post-2223","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-gudaha"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2223","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2223"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2223\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2225,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2223\/revisions\/2225"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2224"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2223"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2223"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2223"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}