{"id":2242,"date":"2026-08-31T18:31:52","date_gmt":"2026-08-31T18:31:52","guid":{"rendered":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2242"},"modified":"2026-08-31T18:31:55","modified_gmt":"2026-08-31T18:31:55","slug":"wararkii-ugu-dambeeyay-ee-khilaafka-qoorqoor-iyo-gacal","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2242","title":{"rendered":"Wararkii ugu dambeeyay ee Khilaafka Qoorqoor iyo Gacal"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Khilaaf siyaasadeed ayaa wali ka taagan magaalada caasimadda ah ee Dhuusamareeb, kaasoo u dhaxeeya hoggaanka maamulka.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Xiisaddani siyaasadeed ayaa soo shaac baxday kaddib markii hoggaanka baarlamaanka Galmudug uu isku dayay inuu guda-galo shaqooynkiisa xilli <a href=\"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2144\">Maxkamadda sare <\/a>ee dalka dhowaan ay laashay doorashadii degaanka dhacday islamarkaana fartay hay\u2019adahii maamulka inay sii wataan howlahooda.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Maxamuud Nuur Gacal oo doonayay inuu furo kal-fadhiga gollaha wakiillada ayaa laga hor-istaagay markii madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye(Qoorqoor) ay u cuntami weyday qorshaaasi.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Madaxweyne Qoorqoor ayaa ciidamo dul-dhigay guriga Dhuusamareeb uu ka deggan yahay Guddoomiye Gacan kuwaasoo hos-istaagay dhaqdhaqaaqa guddoomiyaha si looga baaqsado furitaanka kal-fadhiga baarlamaanka Galmudug.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Sida ay il-wareedyo muhiim ah u xaqiijiyeen <strong>Shabakadda Dayax Media,<\/strong> guddoomiyaha gollaha wakiillada Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa doonayay furitaanka kal-fadhiga kaddib in gollaha la keeno mooshin ka dhan ah xukuumadda madaxweyne Axmed Qoorqoor.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Sida aynu ka soo xigannay sharci-yaqaannada haddii ay taas dhacdo waxaa suurtagal ah in baarlamaanku codka kalsoonida ah uu u qaado xukuumadda oo la rido.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Gunta hoose ee khilaafka madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa lagu sheegay arrimo la xariira dhaqaale, iyadoo labada golle ee dowladda bilihii la soo dhaafay aysan qaadan wax mushaar ah.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Guddoomiye Gacal oo dhowaan hadal jeedin ka sameeyay magaalada Muqdisho ayaa muujiyay sida uusan ugu qanacsanayn <a href=\"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2148\">doorashooyinkii <\/a>gollaha wakiillada iyo tii degaanka ee Galmudug laga qabtay kuwaasoo markii dambe Maxkamadda sare ay burisay.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Haddii ay dhacdo in xukuumadda Galmudug ay baarlamaanku ridaan ayaa la saadaalinayaa in Galmudug ay geli karto xaalad siyaasadeed oo cakiran.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Xafiiska ee arrintu quseyso ee Madaxweynaha iyo guddoonka baarlamaanka wali kama aysan hadlin khilaafkooda, waxaana nin kastaa uu isku dayayaa socod-siinta mabda\u2019iisa siyaasadeed.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Wixii ka soo kordha kala soco halkaan<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Dayax&nbsp; Media Network<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Galmudug, Somalia<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khilaaf siyaasadeed ayaa wali ka taagan magaalada caasimadda ah ee Dhuusamareeb, kaasoo u dhaxeeya hoggaanka maamulka. Xiisaddani siyaasadeed ayaa soo shaac baxday kaddib markii hoggaanka baarlamaanka Galmudug uu isku dayay inuu guda-galo shaqooynkiisa xilli Maxkamadda sare ee dalka dhowaan ay laashay doorashadii degaanka dhacday islamarkaana fartay hay\u2019adahii maamulka inay sii wataan howlahooda. Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":2244,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"footnotes":""},"categories":[8],"tags":[],"class_list":["post-2242","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-gudaha"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2242","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2242"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2242\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2245,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2242\/revisions\/2245"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2244"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2242"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2242"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2242"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}