{"id":2262,"date":"2026-09-01T11:09:23","date_gmt":"2026-09-01T11:09:23","guid":{"rendered":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2262"},"modified":"2026-09-01T11:09:26","modified_gmt":"2026-09-01T11:09:26","slug":"akhriso-abaabulka-mooshin-ka-dhan-ah-wasiir-xoosh","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2262","title":{"rendered":"AKHRISO: Abaabulka Mooshin ka dhan ah Wasiir Xoosh"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Qaar kamid ah xildhibaannada gollaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa wada mooshin ka dhan ah wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Cali Xoosh.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Xildhibaannada oo eedeymo culus u jeediyay wasiirka ayaa sheegay inuu ku tagri-falay awooddii wasaaradda, una adeegsaday si ka baxsan dastuurka dalka u yaalla.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Waxaa ay wasiirka arrimaha gudaha ku eedeeyeen inuu beddalayo qaar kamid ah odayaashii dhaqanka ahaa.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Arrintan ayay xildhibaanno badan u arkaan inay saameyn ku yeelato maadaama odayaasha saxiixa kuraasta leh haddii la beddalo ay u baqayaan kuraastooda.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Xildhibaan Cabdiraxmaan Caga-weyne oo kamid ah mudanayaasha gudbiyay mooshinka ka dhanka ah Wasiir Xoosh ayaa tilmaamay in guddoomiyaha baarlamaanka uu qabtay mooshinkooda.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Wuxuu sheegay in tirada xildhibaannada mooshinka saxiixay ay yihiin illaa 60 mudane oo ka tirsan gollaha sharci dejinta dalka ee aqalka hoose.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Beddalka qaar kamid ah odayaasha dhaqanka oo uu khilaafku ka dhashay ayaa ah odayaashii 135-ka ahaa ee iyagu saxiixo kuraasta gollaha shacabka.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Mooshinkani ayaa imaanaya xilli uu isbedal ku dhacay guddoonka gollaha shacabka ee baarlamaanka islamarkaana guddoomiyaha gollahaasi loo doortay <a href=\"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=1821\">Cabdulqaadir Maxamed Nuur<\/a>.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Inkastoo ay jiraan xildhibaanno ku degaan ah wasiirka oo diiddan mooshinka haddana waxaa la saadaalinayaa in haddii kuwa mooshinka wada ay tiro dheeraad ah oo xildhibaanno ah helaan in uu dhaqan-galo ajandahooda.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Wasiir Cali Xoosh ayaa illaa iyo iminka ka hadlin mooshinkani laga wado, waxaana suurtagal ah in si hoose looga heshiiyo waxa khilaafka keenay.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo muddo xileedka <a href=\"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2259\">Madaxweynaha <\/a>iyo hay\u2019adaha kale ee dowladduba uu idlaaday dhammaantii.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Dayax&nbsp; Media Network<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Galmudug, Somalia<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Qaar kamid ah xildhibaannada gollaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa wada mooshin ka dhan ah wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Cali Xoosh. Xildhibaannada oo eedeymo culus u jeediyay wasiirka ayaa sheegay inuu ku tagri-falay awooddii wasaaradda, una adeegsaday si ka baxsan dastuurka dalka u yaalla. Waxaa ay wasiirka arrimaha gudaha ku eedeeyeen inuu beddalayo qaar kamid [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":2264,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"footnotes":""},"categories":[8],"tags":[],"class_list":["post-2262","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-gudaha"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2262","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2262"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2262\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2265,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2262\/revisions\/2265"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2264"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2262"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2262"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2262"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}