{"id":2263,"date":"2026-09-01T11:27:46","date_gmt":"2026-09-01T11:27:46","guid":{"rendered":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2263"},"modified":"2026-09-12T21:29:43","modified_gmt":"2026-09-12T21:29:43","slug":"boosaaso-shabakad-ka-ganacsata-xashiish-iyo-hub-oo-la-qabtay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2263","title":{"rendered":"Boosaaso: Shabakad ka ganacsata Xashiish iyo Hub oo la qabtay"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Laamaha ammaanka maamulka Puntland ayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay qeybo kamid ah xaafadaha magaaladaasi.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Saraakiisha hor-kacaysay howlgallada ayaa sheegay in ciidamadu ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan Shabakad ku eedeysan ka ganacsiga <a href=\"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=1917\">Maandooriyaha<\/a> iyo Hubka sharci darrada ah.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Hawlgalladaan oo ciidanka ammaanku ka sameeyeen xaafaddaha Laanta-Hawada iyo Xaafatu-Carab, ayaa lagu soo qabtay xubno muhiim ah oo ka tirsan shabakadda, shixnado xashiish ah, qori AK-47 ah iyo bambooyin gacanta laga tuuro oo ay guryaha ku haysteen.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Sida laga soo xigtay saraakiisha Shabakaddani oo xogteeda ay laamaha ammaanku hayeen ayaa ugu dambeyn soo gashay gacanta ciidamada.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Eedeysanayaasha Shabakadda oo isugu jira Rag iyo Dumar ayaa ciidamadu ay soo bandhigeen iyaga iyo waxyaabihii ay ku qabteen oo ay kamid yihiin Xashiishka iyo Hubka.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Qof dumar ah oo shabakaddani ka soo dhex muuqatay ayaa loo aqoonsaday inay door firfircoon ku lahayd shaqadani ka ganacsiga iyo kaydinta Xashiishka.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Laamaha ammaanka ee Boosaaso ayaa wada baaritaanno dheeraad ah oo lagu sameynayo Kooxdani si loo ogaado cidda kale ee shaqadan kula jirtay iyo halka laga maal-geliyo.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Taliska qeybta booliska gobolka Bari ee Puntland ayaa ku nuux-nuuxsaday inay sii laba jibbaari doonaan howlgallada ka dhanka ah Kooxaha ka ganacsada Maandooriyaha sida Xashiishka.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Kal hore, Boosaaso waxaa lagu qabtay Koox sidan oo kale Maandooriyaha <a href=\"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=1917\">Khamriga <\/a>ku iibinaysay gudaha magaalada kuwaasoo la soo xiray.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Dayax&nbsp; Media Network<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Galmudug, Somalia<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Laamaha ammaanka maamulka Puntland ayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay qeybo kamid ah xaafadaha magaaladaasi. Saraakiisha hor-kacaysay howlgallada ayaa sheegay in ciidamadu ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan Shabakad ku eedeysan ka ganacsiga Maandooriyaha iyo Hubka sharci darrada ah. Hawlgalladaan oo ciidanka ammaanku ka sameeyeen [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":2267,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"footnotes":""},"categories":[8],"tags":[],"class_list":["post-2263","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-gudaha"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2263","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2263"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2263\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2270,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2263\/revisions\/2270"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2267"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2263"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2263"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2263"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}