{"id":2275,"date":"2026-09-01T11:58:02","date_gmt":"2026-09-01T11:58:02","guid":{"rendered":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2275"},"modified":"2026-09-01T11:58:05","modified_gmt":"2026-09-01T11:58:05","slug":"df-iyo-mucaaradka-oo-ku-heshiiyay-dhismaha-guddi-cusub","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2275","title":{"rendered":"DF iyo Mucaaradka oo ku heshiiyay dhismaha Guddi cusub"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada Mucaaradka ee kala ah Gollaha Mustaqbalka, Gollaha Midnimada Qaran iyo Nabad iyo Nolol ayaa Beesha Caalamka u gudbiyay nuqul rasmi ah oo ku saabsan is-afgarad ay gaareen.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Nuqulkani oo ay aragtay Shabakadda <strong>Dayax Media<\/strong> ayaa tilmaamaya hannaan doorasho oo ay ku heshiiyeen labada dhinac.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Is-afgaradkani ayaa qeexaya in la dhiso guddi doorasho oo diyaarinaya doorashooyinka dowladda Soomaaliya.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Dhowaan ayaa loo madlan yahay inay kulmaan madaxda dowladda FS iyo kuwa Mucaaradka ah, waxaana la qorsheeyay ka hor in la dhiso guddigani farsamada ah.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Guddigani Farsamada ah ayaa fududeynaya sameynta hannaan doorasho oo loo dhan yahay.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Ilo muhiim ah ayaa xaqiijinaya in Dowladda federaalka iyo dhinacyada Mucaaradka ah uu guddiga ka koobnaan doono, iyadoo ay xubno ku yeellan doonaan maamullada iyo ururrada bulshada rayidka ahi.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Shaqada ugu weyn ee guddigani qaban doonaan ayaa ah sidii ay u mideyn lahaayeen aragtiyada kale duwan ee ku saleysan hannaanka doorashada oo horey ay u soo bandhigeen Dowladda federaalka, Gollaha Mustaqbal, Nabad iyo Nolol iyo Gollaha Midnimada Qaran.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Dadka odrosa siyaasadda ayaa aaminsan haddii guddiga uu ku guuleysto mideynta soo jeedinta hannaanka doorasho ee dhinacyadani ay suurtagalin karto qabashada doorasho loo dhan yahay.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Beesha Caalamka ayaa dadaallo badan ku bixinaysay sidii saamileyda siyaasaddu uga heshiin lahaayeen khilaafka gaamuray ee quseeya habka doorashada loo qabanayo iyo nooca ay noqonayso.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Dowladda federaalka ayaa horey u sheegtay in doorasho cod iyo qof ah ay ka qabanayso dalka taasoo ay Mucaaradka ka muujiyeen shaki xooggan<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa weli sal-dhigan iyadoo marka la gaaro waqtiga kala guurka ah ay soo shaac baxaan khilaafyo xooggan oo hareeya horu-socoshada nidaamka dowladnimo ee dalka oo weli la kab-kabayo.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Wixii ka soo kordha kala soco halkaan.<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Dayax&nbsp; Media Network<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Galmudug, Somalia<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada Mucaaradka ee kala ah Gollaha Mustaqbalka, Gollaha Midnimada Qaran iyo Nabad iyo Nolol ayaa Beesha Caalamka u gudbiyay nuqul rasmi ah oo ku saabsan is-afgarad ay gaareen. Nuqulkani oo ay aragtay Shabakadda Dayax Media ayaa tilmaamaya hannaan doorasho oo ay ku heshiiyeen labada dhinac. Is-afgaradkani ayaa qeexaya in la dhiso [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":2276,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"footnotes":""},"categories":[8],"tags":[],"class_list":["post-2275","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-gudaha"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2275","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2275"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2275\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2277,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2275\/revisions\/2277"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2276"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2275"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2275"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2275"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}