{"id":2278,"date":"2026-09-01T11:24:00","date_gmt":"2026-09-01T11:24:00","guid":{"rendered":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2278"},"modified":"2026-09-01T12:28:49","modified_gmt":"2026-09-01T12:28:49","slug":"akhriso-jadwalka-doorashada-galmudug-oo-la-shaaciyay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2278","title":{"rendered":"AKHRISO: Jadwalka Doorashada Galmudug oo la shaaciyay"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa 30-ka Sebtember 2026 u asteeyey doorashada ku-celiska ah ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee dowlad-goboleedkani Galmudug.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><a href=\"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2139\">Maxkamadda sare <\/a>ee dalka ayaa horay u burisay natiijada doorashadii dhowaan ka qabsoontay Galmudug, kaddib markii ay aragtay dacwadda <a href=\"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2155\">xisbiga Towfiiq<\/a> ee uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Doorashada isku sidkan ee ku celiska ah ayaa ka dhacaysa Galmudug bishan Septebmer sida ku xusan jadwalka ay soo saareen guddiga doorashooyinka.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">10-ka bishan September ayaa loo qorsheeyay in la shaaciyo goobaha cod-bixinta ah iyadoo 20-ka isla bishan la soo bandhigayo liiska musharrixiinta ururrada siyaasadda ee doorashada ka qeyb galaya.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">22-ka September ayaa loo muddeeyay in ururradu soo gudbiyaan wakiilladooda goobaha cod-bixinta goobjoogga uga noqonaya halka isla 26-ka bishaan la siin doono aqoonsiyada iyaga iyo Kor-joogayaasha kale ee doorashada.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Intaa kaddib ururrada siyaasadda ayaa loo oggol yahay olollahooda inay guda-galaan waxaana olollaha uu ku eg yahay 28-ka bishan September.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Guddiga doorashooyinka madax-bannaan ayaa doorashada ku celiska ah ee Galmudug laga qabanayo u asteeyay inay dhacdo 30-ka September ee isla bishaan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">In doorashada Galmudug lagu laabto oo dib loo qabto ayaa timid kaddib markii Maxkamadda sare ay dabayaaqadii bishii hore ay laashay Natiijada doorashadii horey u dhacday oo kuraasta u badan uu heystay urur siyaasadeedka madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud ee &nbsp;JSP.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Galmudug kala soco halkaan.<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Dayax&nbsp; Media Network<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Galmudug, Somalia<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa 30-ka Sebtember 2026 u asteeyey doorashada ku-celiska ah ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee dowlad-goboleedkani Galmudug. Maxkamadda sare ee dalka ayaa horay u burisay natiijada doorashadii dhowaan ka qabsoontay Galmudug, kaddib markii ay aragtay dacwadda xisbiga Towfiiq ee uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":1734,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"footnotes":""},"categories":[8],"tags":[],"class_list":["post-2278","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-gudaha"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2278","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2278"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2278\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2279,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2278\/revisions\/2279"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/1734"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2278"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2278"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2278"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}