{"id":2309,"date":"2026-09-02T16:58:47","date_gmt":"2026-09-02T16:58:47","guid":{"rendered":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2309"},"modified":"2026-09-02T16:58:55","modified_gmt":"2026-09-02T16:58:55","slug":"puntland-oo-si-adag-ugu-jawaabtay-dfs-kaddib-markii-ay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2309","title":{"rendered":"Puntland oo si adag ugu Jawaabtay DFS kaddib markii ay&#8230;"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si kulul u eedeysay dowladda federaalka Soomaaliya iyadoo weli ay taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee dalka ee muddo soo jiitamaysay.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Puntland waxay si adag ugu jawaabtay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya mudane<a href=\"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2240\"> Axmed Macallin Fiqi <\/a>oo sheegay in Puntland ay taageero u fidiso Kooxaha Burcad Badeedda.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Wasiir Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in Kooxahaasi ay si xor ah ugu dhex nool yihiin gudaha Puntland oo ay ku soo degaan marka ay qaataan lacagaha Madax-Furashada ah.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Mudane Farxaan Cali Xirsi oo ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo maanta Warfidiyeenka kula hadlay magaalada Garoowe ayaa gebi ahaanba gaashaanka u daruuray eeddaha ka yimi Xukuumadda Soomaaliya.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Waxaa uu tilmaamay in marnaba aysan Kooxaha Burcad-Badeedda ah aysan gabbaad u ahayn Puntland, isagoo hoosta ka xariiqay in maamulka iyo shacabkaba ay dagaal adag la geli doonaan Kooxahaasi.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Eeddaha Dowladda Soomaaliya ee ah in burcad-Badeeddu ay ka soo degaan Xeebaha Puntland islamarkaana ay ku nool yihiin Berriga ayuu ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Wasiirka Warfaafinta Puntland Farxaan Xirsi ayaa ku gooddiyay in Burcad-Baddeed aysan ku noolaan doonin gudaha degaannada dowlad goboleedkaasi.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Geesta kale, Wasiirka ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay iyadu masuul ka tahay Falalka Burcad-Badeedda oo ay degaannada Puntland ku abuurtay si ay uga sameyso dhaqaale.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Waxaa uu sheegay in ay la socdaan dhaqdhaqaaq kasta oo Kooxahaasi ka wadaan gudaha Puntland, islamarkaana ay tallaabo ka qaadi doonaan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Dowladda FS iyo Puntland ayaa weli waxaa ka dhex taagan <a href=\"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2275\">khilaaf siyaasadeed<\/a> oo dhowr sano soo jiitamayay kaasoo suntan wax ka beddalka Dastuurka dalka iyo hannaanka loo marayo doorashada qof iyo codka ah oo ay waddo DFS.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Waxaana xusid mudan muddadan uu khilaafka taagnaa in aysan labada dhinac yeelan wax wada-shaqeyn ah iyadoo wada-hadallo lagu heshiisiinayay ay horey u burbureen.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Dayax Media Network<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Galmudug, Somalia<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si kulul u eedeysay dowladda federaalka Soomaaliya iyadoo weli ay taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee dalka ee muddo soo jiitamaysay. Puntland waxay si adag ugu jawaabtay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi oo sheegay in Puntland ay taageero u fidiso Kooxaha Burcad Badeedda. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":2311,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"footnotes":""},"categories":[8],"tags":[],"class_list":["post-2309","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-gudaha"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2309","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2309"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2309\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2314,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2309\/revisions\/2314"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2311"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2309"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2309"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2309"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}