{"id":2315,"date":"2026-09-03T10:15:32","date_gmt":"2026-09-03T10:15:32","guid":{"rendered":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2315"},"modified":"2026-09-03T10:15:35","modified_gmt":"2026-09-03T10:15:35","slug":"wararkii-ugu-dambeeyay-ee-dagaalka-magaalada-baydhabo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2315","title":{"rendered":"Wararkii ugu dambeeyay ee Dagaalka magaalada Baydhabo"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaal waaberigii hore ee saaka ka dhacay magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidamo taabacsan madaxweynihii hore Cabdicasiis Lafta-Gareen ay gudaha u galeen gudaha magaalada Baydhabo islamarkaana uu qarxay dagaalka u dhaxeeya ciidankaasi iyo kuwa dowladda FS ee ku sugan magaaladaasi.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Sida ilo xog ogaal ah ay u xaqiijiyeen Shabakadda <strong>Dayax Media<\/strong> ciidamada Lafta-Gareen ayaa gaaray Wadnaha magaalada iyadoo shacabka ay arkayeen iyagoo ka dagaallamaya bartamaha Baydhabo.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkani oo kala gaaray labada dhinac, iyadoo dhaawacyada intooda badan la gaar siiyay Isbitaalka dhexe ee Baydhabo, waxaana saraakiisha dhaawacmay kamid ah Taliye Cabdulle Isaaq.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Taliyihii guutada 8aad ee xoogga dalka ayaa la soo sheegayaa uu kamid yahay saraakiisha dhaawaca halista ah uu ka soo gaaray dagaalkii saaka ka dhacay Baydhabo.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa dib u riixay ciidanka Lafta-Gareen ee weerarka soo qaaday, kuwaasoo dib ugu laabtay fariisimahooda.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Afhayeenka ciidankaasi Ugaas Xasan Maxamed Cabdi ayaa sheegay in ay gaareen ujeedkii ay ka lahaayeen dagaalkii Baydhabo.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Xaaladda ayaa sidii hore ka wanaagsan iminka, iyadoo la arkayo ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Aadan Madoobe oo wata gaadiidka dagaalka oo dhex wareegaya waddooyinka magaalada Baydhabo.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Maamulka Baydhabo oo dhankiisa dagaalka ka hadlay ayaa sheegay in magaalada ay ka saareen Alshabaab soo weeraray.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Dayax Media Network<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Galmudug, Somalia<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaal waaberigii hore ee saaka ka dhacay magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidamo taabacsan madaxweynihii hore Cabdicasiis Lafta-Gareen ay gudaha u galeen gudaha magaalada Baydhabo islamarkaana uu qarxay dagaalka u dhaxeeya ciidankaasi iyo kuwa dowladda FS ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":2317,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"footnotes":""},"categories":[8],"tags":[],"class_list":["post-2315","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-gudaha"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2315","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2315"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2315\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2318,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2315\/revisions\/2318"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2317"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2315"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2315"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2315"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}