{"id":2349,"date":"2026-09-09T07:04:35","date_gmt":"2026-09-09T07:04:35","guid":{"rendered":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2349"},"modified":"2026-09-09T07:07:00","modified_gmt":"2026-09-09T07:07:00","slug":"qarax-khasaare-geystay-oo-ka-dhacay-baladweyne","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2349","title":{"rendered":"Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Baladweyne"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Wararka laga helayo magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in uu saaka ka dhacay qarax laga maqlay qeybo kamid ah magaaladaasi.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Qaraxa oo ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay Xaafadda Buunda-weyn gaar ahaan aagga Cabdi Coon.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Sida ay xaqiijiyeen il-wareedyo ku sugan magaalada Baladweyne waxaa qaraxaasi waxaa ku geeriyooday mid kamid ah Ganacsatada magaalada oo lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamed Faarax (Cabdi Xinji) halka uu ku dhaawacmay nin kale oo shacab ah.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Laamaha ammaanka Baladweyne ayaa gaaray goobta uu ka dhacay qaraxaasi miino.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Xaafadda Buunda-weyn ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay qaraxyo miino oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh kuwaasoo masuuliyaddooda ay qaarkood sheegatay kooxda Shabaab.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Degaanno iyo degmooyin ku yaalla gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya waxaa weli ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah dagaallamayaasha Alshabaab kuwaasoo laga saaray magaalooyin iyo degaanno istaraatiiji ah oo ay muddo sanado ah ka arriminayeen.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Maamulka degmada Baladweyne iyo laamaha amniga weli kama aynaan hadlin qaraxani miino.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Dayax Media Network<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Galmudug, Somalia<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka laga helayo magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in uu saaka ka dhacay qarax laga maqlay qeybo kamid ah magaaladaasi. Qaraxa oo ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay Xaafadda Buunda-weyn gaar ahaan aagga Cabdi Coon. Sida ay xaqiijiyeen il-wareedyo ku sugan magaalada Baladweyne waxaa qaraxaasi waxaa ku geeriyooday mid [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":1933,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"footnotes":""},"categories":[8],"tags":[],"class_list":["post-2349","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-gudaha"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2349","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2349"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2349\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2352,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2349\/revisions\/2352"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/1933"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2349"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2349"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2349"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}