{"id":2353,"date":"2026-09-10T03:50:57","date_gmt":"2026-09-10T03:50:57","guid":{"rendered":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2353"},"modified":"2026-09-10T03:53:12","modified_gmt":"2026-09-10T03:53:12","slug":"abti-ha-i-dilina-dhacdo-argagax-leh-oo-ka-dhacday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2353","title":{"rendered":"\u201cAbti ha i dilina\u201d Dhacdo Argagax leh oo ka dhacday &#8230;"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Dil la la xariiriyay aano qabiil ayaa ka dhacay degaanka Ceel-Baraf oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe kaasoo loo geystay askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Dableey hubeysan oo ka soo jeedda Shabeellaha Dhexe ayaa baabuur safar u ahaa gobolka Hiiraan kala degay Askariga kaddibna u dilay si argagax leh.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Marxuumka ayaa ka soo tegay isla degaanno ka tirsan Shabeellaha Dhexe oo ciidamada weli ay ku dagaallamayaan Alshabab.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Shire Xuseen (Guudeey), waxaana dhacdada argagaxa u yeellay ayaa ah in muuqaal fool-xun ay ka duubeen marxuumka oo si arxan-darro ah ay u dilayaan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Dhacdadani oo hadal-heyn badan ka dhalisay baraha bulshada ayaa waxaa ka hadlay dadyow kale duwan oo ay kamid yihiin xildhibaanno iyo masuuliyiin.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Waxay sheegeen in falkani wuxuushnimada ah ee ka dhacay Shabeellaha Dhexe uu yahay mid ka fog Islaamnimada, Dadnimada iyo beni\u2019aadantinimada.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Marxuumka oo ay muuqaal ka duubeen dilka ka hor ayaa soo muuqanaya isagoo ku calaacalaya; \u201cAbti ha i dilina, ma ogayn in aano qabiil jirtay oo dambi haddaan isku ogahay waddadan ma soo mareen, illaa saaka wax ma cunin, waana xanuunsanahay shaqadii ciidanka ayaan ka soo fasax qaatay\u201d<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u201cAbtiyaal, hay dilina\u201d ayaa ahaa erayada uu aad ugu cel-celinayay inta uu soconayay muuqaalka ay duubeen dableyda falka geysatay.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Muuqaalkaasi kaddib ayay dileen, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in baangado lagu jar-jaray hilibkiisa, arrintaasoo argagax ku beertay dhammaan Soomaalida.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Dhacdadani ayaa ah mid si weyn looga hadal-hayo dhammaan madallada bulshada Soomaalida ay ku kulanto meel walba oo ay joogaan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Xukuumadda federaalka iyo dowlad goboleedka Hirshabeelle weli kama aysan hadlin falkaan arxan-darrada ah ee ka dhacay xuduudka ay wadaagaan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Kal hore sidan oo kale askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo dhowr askari ahaa ay dabley hubeysan waddada u gashay kaddibna wada dishay.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Dayax Media Network<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Galmudug, Somalia<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dil la la xariiriyay aano qabiil ayaa ka dhacay degaanka Ceel-Baraf oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe kaasoo loo geystay askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Dableey hubeysan oo ka soo jeedda Shabeellaha Dhexe ayaa baabuur safar u ahaa gobolka Hiiraan kala degay Askariga kaddibna u dilay si argagax leh. Marxuumka ayaa ka soo tegay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":2354,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"footnotes":""},"categories":[8],"tags":[],"class_list":["post-2353","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-gudaha"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2353","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2353"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2353\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2356,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2353\/revisions\/2356"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2354"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2353"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2353"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2353"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}