{"id":2417,"date":"2026-09-24T11:32:48","date_gmt":"2026-09-24T11:32:48","guid":{"rendered":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2417"},"modified":"2026-09-24T11:32:51","modified_gmt":"2026-09-24T11:32:51","slug":"golaha-wasiirrada-koonfur-galbeed-oo-ansixiyey-xeer-nidaamiyaha-ujuurrada-maxkamadaha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2417","title":{"rendered":"Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo Ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Ujuurrada Maxkamadaha"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Baydhabo, 24 Sebteembar 2026<\/strong> \u2014 Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed ayaa maanta ansixiyey <strong>Xeer-Nidaamiyaha Ujuurrada Maxkamadaha<\/strong>, kaddib kulan uu guddoomiyey Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><a href=\"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2414\" data-type=\"link\" data-id=\"https:\/\/dayaxmedia.com\/?p=2414\">Shirka Golaha W<\/a>asiirrada ayaa looga hadlay arrimo la xiriira horumarinta maamulka, adeegyada bulshada, amniga iyo xaaladda guud ee deegaannada Koonfur Galbeed.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Xeer-Nidaamiyaha Ujuurrada Maxkamadaha oo ay soo diyaarisay <strong>Wasaaradda Cadaaladda Dowladda Koonfur Galbeed<\/strong>, ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo hannaanka cadaaladda iyo adeegyada maxkamadaha, iyadoo la doonayo in la nidaamiyo adeegyada iyo ujuurrada la xiriira maxkamadaha.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa dhageystay sharraxaad ku saabsan <strong>wax-ka-beddelka Sharciga Dowladaha Hoose<\/strong>, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Wax-ka-beddelka sharcigan ayaa lagu sheegay inuu muhiim u yahay xoojinta nidaamka dowlad-daadejinta iyo horumarinta maamulka heer degmo.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale si gaar ah uga hadlay xaaladaha amni iyo kuwa bini\u2019aadantinimo ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed, iyo diyaar-garowga la xiriira saameynaha la filayo ee <strong>El Ni\u00f1o<\/strong>, gaar ahaan roobabka xooggan, fatahaadaha iyo xaaladaha kale ee ka dhalan kara.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Goluhu wuxuu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada lagu sugayo amniga, loo diyaar garoobo xaaladaha ka dhalan kara roobabka iyo fatahaadaha, isla markaana la dardargeliyo gurmadka iyo adeegyada bini\u2019aadantinimo ee bulshada.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Hoggaamiyaha <a href=\"https:\/\/www.caasimada.net\/deni-oo-qm-u-diray-warqad-uu-ku-muujiyay-doonista-puntland-ee-ka-goitaanka-soomaaliya\/\" data-type=\"link\" data-id=\"https:\/\/www.caasimada.net\/deni-oo-qm-u-diray-warqad-uu-ku-muujiyay-doonista-puntland-ee-ka-goitaanka-soomaaliya\/\" target=\"_blank\" rel=\"noopener\">Dowladda<\/a> Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Golaha Wasiirrada kula dardaarmay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta hay\u2019adaha dowladda, dardargelinta adeegyada bulshada iyo hirgelinta qorshayaasha dowladda ee ku aaddan amniga, dowlad-daadejinta, cadaaladda iyo horumarinta bulshada.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Dayax Media Network | <\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Dhusamareeb, Galmudug, Soomaaliya<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Baydhabo, 24 Sebteembar 2026 \u2014 Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed ayaa maanta ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Ujuurrada Maxkamadaha, kaddib kulan uu guddoomiyey Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Shirka Golaha Wasiirrada ayaa looga hadlay arrimo la xiriira horumarinta maamulka, adeegyada bulshada, amniga iyo xaaladda guud ee deegaannada Koonfur Galbeed. Xeer-Nidaamiyaha Ujuurrada Maxkamadaha oo ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":2418,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"footnotes":""},"categories":[8],"tags":[78,81,83,82,80,79,84],"class_list":["post-2417","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-gudaha","tag-aadan-madoobe","tag-baydhabo","tag-cadaaladda","tag-el-nino","tag-golaha-wasiirrada","tag-koonfur-galbeed","tag-maxkamadaha"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2417","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2417"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2417\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2419,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2417\/revisions\/2419"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2418"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2417"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2417"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/dayaxmedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2417"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}