Sidee ayuu u dhacay Howlgalka lagu furtay Markabka MTT-SIBU1?
Howlgal ka dhacay aagga xeebaha gobolka Mudug ayaa lagu soo furtay Markab lagu magacaabo MTT-SIBU 1 kaasoo gacanta ugu jiray koox Burcad Baddeed Soomaali ah. Warbaahinta Carabta ayaa baahiyay in rag...
Howlgal ka dhacay aagga xeebaha gobolka Mudug ayaa lagu soo furtay Markab lagu magacaabo MTT-SIBU 1 kaasoo gacanta ugu jiray koox Burcad Baddeed Soomaali ah.
Warbaahinta Carabta ayaa baahiyay in rag u dhashay qabiil ka mid ah kuwa deggan dalka Ciraaq ay xoog ku soo furteen Markabkaasi.
Ilo ammaan oo la hadlay Shabakadda Dayax Media ayaa xaqiijiyay in howlgalka gaarka ah ee lagu soo furtay Markabka MTT-SIBU 1 ay qeyb ka ahaayeen ciidamo baabulan oo u shaqeynayay shirkadda iska lahayd Markabka kuwaasoo ku gacan siiyay Ciidanka Badda Puntland howlgalka.
PMPF ayaa sheegtay in ragga Markabkani heystay ay tiradooda ahayd 47 ruux islamarkaana intii howlgalka uu socday uu dhintay hal nin, halka 46 oo 5 kamid ah ay dhaawac tahay ay gacanta ku dhigeen.
Muuqaallo ay baahiyeen ilo Ciraaqi ah ayaa waxaa ka soo muuqday Markabka MMT-SIBU 1 iyo kooxdii afduubka u heysatay oo gacanta lagu dhigay iyo ciidamo ka tirsan kuwa badda Puntland ee PMPF oo goobta ku wada sugan.
Su’aallaha ay durba dhaliyeen muuqaalladaasi waxaa kamid ah cidda hoggaaminaysay howlgalka iyo doorka mid kasta oo kamid ah labada dhinac.
PMPF oo war soo saartay ayaa guulo ka sheegatay howlgalka, iyadoo hoosta ka xariiqday in xeebaha Puntland aysan u oggalaan doonin Burcad Badeedda in ay ku afduubtaan Maraakiibta.
Dhowaan Markab shixnad u siday dowladda Turkiga ayaa koox afduub u heysatay ay sii deysay kaddib markii la siiyay 2.5 Malyan.
Weerarrada Burcad Badeedda Soomaalida ayaa kor u kacay labadii sano ee la soo dhaafay iyagoo afduubay dhowr Markab.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



[…] Sidee ayuu u dhacay Howlgalka lagu furtay Markabka MTT-SIBU1? […]