DEGDEG: Ciidamo ka tirsan PSF oo ka baxay Qardho ayaa caawa gaaray…
Ciidamo badan oo wata gaadiidka dagaal ayaa isaga baxay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Cutubyadani oo ka tirsan ciidanka PSF ayaa wata gaadiid dagaal oo gaaraya illaa 9 Tikniko iyo hal...
Ciidamo badan oo wata gaadiidka dagaal ayaa isaga baxay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.
Cutubyadani oo ka tirsan ciidanka PSF ayaa wata gaadiid dagaal oo gaaraya illaa 9 Tikniko iyo hal Ambalus ah.
Wararka ay heleyso mareegtan Dayax Media ayaa sheegaya in ciidamadaas ay goor-dhow gaareen degaanka Sarmaanyo oo ka tirsan gobolka Sool.
Illaa iyo iminka saraakiisha ciidamada PSF kama aysan hadlin ujeedka socdaalka ciidamadani ee gaaray tuulada Sarmaanyo.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo maanta ciidamada Puntland ay la wareegeen xeradii PSF ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Ciidamada PSF ayaa sidoo kale xero ciidan ku leh magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana jira dadka shacabka reer Boosaaso cabsi ay ka qabaan isku dhac ka dhaca magaaladaasi.
Wixii ka soo kordha dib kala soco halkaan.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.