Faahfaahin: Muwaadin Yemani ah oo lagu dilay Masjid ku yaalla Muqdisho
Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dilka muwaadin u dhashay dalka Yemen oo lagu dilay gudaha Soomaaliya, gaar ahaanna magaalada Muqdidsho. Fikri Xasan Almisbahi ayaa dilkiisa loo adeegsaday...
Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dilka muwaadin u dhashay dalka Yemen oo lagu dilay gudaha Soomaaliya, gaar ahaanna magaalada Muqdidsho.
Fikri Xasan Almisbahi ayaa dilkiisa loo adeegsaday Toorreey, dhowr jeer lagu dhuftay xilli uu ku guda jiray tukashada salaadda Jimcaha mid kamid ah masaajidda ku yaalla magaalada Muqdisho.
Walaalkiisa Maxamed Xasan Almisbahi ayaa sheegay in Fikri uu u geeriyooday dhaawaca ka soo gaaray Toorreeyda dhowr jeer lagu dhuftay, islamarkaana aysan garanayn sababta loo dilay.
Waxaa kaloo uu tilmaamay in walaalkiisa Fikri Xasan uu ka shaqeyn jiray saldhigga korontada Almansuurah ee ku yaalla magaalada Cadan ee dalka Yemen islamarkaana magaalada Muqdisho uu u yimid sidii uu uga shaqeyn lahaa shirkadaha korontada.
Qoyska marxuumkani Yemaniga ah ayaa ka dalbaday dowladda federaalka in ay cadaalad helaan.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.