Malleeshiyaadkii Leelkase ee DF hoos tagayay oo ku biiray Puntland
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya waqooyiga gobolka Mudug ee Puntland ciidamo in dhowaana ah hoos tagayay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa isku dhiibay maamulka Puntland. Ciidamadani oo...
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya waqooyiga gobolka Mudug ee Puntland ciidamo in dhowaana ah hoos tagayay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa isku dhiibay maamulka Puntland.
Ciidamadani oo degaan ahaan ku abtirsada degmada Galdogob, ayaa ahaa cutubyo muddo lagu diyaarinayay meelo kamid ah gobolka Mudug oo Gaalkacyo ay ku jirto.
Malleeshiyaadkani oo ay taageereysay dowladda dhexe ayaa saraakiil hoggaamisa laga soo xigtay inay isku dhiibeen xukuumadda madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.
Odayaal iyo siyaasiyiin ayaa madaxweynaha Puntland oo iminka ku sugan Gaalkacyo kala shaqeeyay sidii ciidankani loogu biirin lahaa Puntland.
Dowladda dhexe weli arrintani kama aysan hadlin.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa wada dadaallo uu ku adkeynayo amniga Puntland xilli ciidamo kala duwan ay ka aas-aasatay xukuumadda Soomaaliya.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.