Muxuu yahay Ujeedka safarka MW Xasan Sheekh ee Dhuusamareeb?
Madaxweynaha Soomaaliya ee muddo xilleedkiisu dhammaaday mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo wajahan magaaladan caasimadda u ah Galmudug ee Dhuusamareeb. Sida ilo muhiim ah ay u xaqiijiyeen...
Madaxweynaha Soomaaliya ee muddo xilleedkiisu dhammaaday mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo wajahan magaaladan caasimadda u ah Galmudug ee Dhuusamareeb.
Sida ilo muhiim ah ay u xaqiijiyeen Dayax Media ujeedka safarka madaxweyne Xasan ayaa ku qotoma seddex Ajende.
Xasan Sheekh ayaa markii uu soo gaaro Dhuusamareeb wuxuu ku dhawaaqi doonaa in la Dardar-geliyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab oo weli ku sugan meelo kamid ah dowlad goboleedkani Galmudug.
Inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb waxaa madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmi doona bulshada qeybaheeda kale duwan isagoo taageero u raadinaya nidaamka doorashada cod iyo qof oo aan heysan heshiiska saamileyda siyaasadda.
Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xarigga ka jari doona mashaariic horumarineed oo magaalada Dhuusamareeb laga hirgaliyay oo ay kamid ah dhismaha laamiga dheer ee magaalada mara, waana markii labaad oo mashaariic uu magaalada ah uu xarig jaro.
Soo dhoweynta madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb, iyadoo aad loo adkeeyay ammaanka magaaladani.
Wixii ka soo kordha halkaan kala soco
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.