Puntland oo sii deysay Ciidankii Federaalka ee ay qabatay
Puntland ayaa dib u sii deysay isla maanta ciidamo ka tirsan dowladda federaalka oo ay saaka xilli qabatay. Ciidamadani oo ku socday xero Tababar oo ku taalla Galmudug ayaa saarnaa laba baabuur oo ah...
Puntland ayaa dib u sii deysay isla maanta ciidamo ka tirsan dowladda federaalka oo ay saaka xilli qabatay.
Ciidamadani oo ku socday xero Tababar oo ku taalla Galmudug ayaa saarnaa laba baabuur oo ah kuwa ciidanka ee xamuulka ah.
Tobaneeyo ayaa lagu sheegay tiradooda, waxaana dib loogu celiyay dhanka Galmudug ee magaalada Gaalkacyo.
Sida warar horey u soo baxay ay sheegayeen ciidankaasi ayaa lagu waday xero tababar oo ku taalla Galmudug gaar ahaan gobolka Galgaduud.
Markii la qabtay askartaasi waxaa Koonfurta Gaalkacyo ka billowday dibadbax weyn oo lagaga soo horjeedo tallaabada Puntland ay ku hor-istaagtay ciidankaasi safarka ahaa.
Dowladda federaalka iyo Galmudugba kama aysan hadlin illaa hadda ciidanka ay soo bandhigtay Puntland.
Koontaroolka waqooyi ee Gaalkacyo ayay ku qabatay Puntland ciidankaasi, sida uu xaqiijiyay taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee maamulkaasi Gaashaanle sare Maxamuud Muuse Farda-Fuul.
Weli waxaa taagan khilaafka u dhaxeeya dowladda FS iyo Puntland iyadoo horay madaxweyne Saciid Deni uu u sheegay in ay la dagaallami doonaan ciidan kasta oo aan kamid ahayn dowlad goboleedkaasi.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.