Madaxweynaha oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay Baarlamaanka
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay kal-fadhiga 8aad ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya labadiisa aqal, isagoo uu wehlinayo wasiirka koobaad ee xukuumadda mudane Xamsa...
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay kal-fadhiga 8aad ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya labadiisa aqal, isagoo uu wehlinayo wasiirka koobaad ee xukuumadda mudane Xamsa Cabdi Barre.
Khudbad dhinacyo dhowr ah taabanaysa ayuu madaxweynuhu kaga hadlay arrimo ay kamid yihiin amniga, doorashooyinka, wax ka beddalka dastuurka oo weli aan la isku raacin iyo siyaasadda arrimaha dibadda.
Ugu horreyn waxaa uu sheegay in dalku galay marxalad cusub oo lagu xaqiijinayo dowladnimada sida kobcinta hay’adaha dowladda, tayaynta awoodda ciidamada iyo horumarinta shuruucda dalka oo uu xusay in ay muhiim u tahay soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah iyo sare u qaadidda sumcadda ay Soomaaliya ku leedahay caalamka.
Madaxweynaha oo xusay in tirada iyo tayada ciidanku ay maanta ka wanaagsan yihiin sidii hore ayaa sheegay in dowladdu ay qorsheyneyso in ay qaaddo howlgallo ka dhan ah Alshabaab si kooxda looga fara-maroojiyo degaannada ay weli ka arriminayaan.
Doorashooyinka ka qabsoomay Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayuu boggaadiyay isagoo difaacay hannaanka ay u qabsoomeen isagoo hoosta ka xariiqay in wax cillad ah aynaan ka jirin doorashooyinkaasi, inkastoo guddiga doorashada iyo xukuumaddaba lagu eedeynayo in ay gacan-bidixaynayaan.
Waxaa uu mar kale carrabka ku adkeeyay in dowladdu ka go’an tahay hirgelinta nidaamka doorashooyinka cod iyo qof, wuxuu sheegay in culimo iyo aqoonyahan ka soo jeeda Somaliland ay qeyb ku lahaayeen diyaarinta nidaamkan doorasho oo uu yahay wax Soomaali leedahay oo aan shisheeye laga keenin.
DR. Xasan Sheekh oo sheegay in Baarlamaanku yahay hay’ad sharciyeysan ayaa tilmaamay in dowladdu ay masuuliyad iska saartay in go’aannada masiiriga ah lagu shaqeeyo hay’adaha sharciga.
Siyaasadda arrimaha dibadda ayuu sheegay in Soomaaliya ay meel wanaagsan ka marayso oo iminka sidii hore aanay gargaar dalban balse afkaaro siyaasadeed ay ku soo bandhigto fagaarayaasha caalamka.
Arrimaha siyaasadda waxaa uu ku soo hadal-qaaday mucaaraddada xooggan ee ay la kulmeyso dowladda, waxaana uu hoosta ka xariiqay in kala aragti duwanaantu tahay dimuqraadiyad loo baahan yahay hase yeeshee aan la ogalaan karin wax keeni kara colaado.
Wuxuu sheegay in qofna aan laga aqbalaynin in uu hub ku dhex wato magaalada isagoo si afka ku ballaariyay in dowladda oo kaliya ay awoodda hubka leedahay.
Furitaanka kal-fadhiga 8aad ee labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya gollaha shacabka iyo aqalka sare ayaa ku soo aadaya iyadoo weli aan heshiis laga gaarin nooca doorasho ee dalka iyo khilaafka weli ka jira wax ka beddalka dastuurka.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.