Taliye Maraykan ah oo la kulmay MW Somaliland
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan muhiim ah oo istaraatiiji ah la yeeshay Taliyaha Ciidamada Hawl-gallada Gaarka ah ee Maraykanka ee Afrika...
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan muhiim ah oo istaraatiiji ah la yeeshay Taliyaha Ciidamada Hawl-gallada Gaarka ah ee Maraykanka ee Afrika Major General Claude K. Tudor Jr. iyo wefti la socday oo saraakiil amni u badnaa.
Madaxweynaha ayaa ugu horrayn Major General Claude K. Tudor iyo weftiga ballaadhan ee uu hoggaaminayey uga mahad naqay booqashada ay ku yimaadeen Somaliland.
War ay faafisay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in kulanka si qoto dheer loogu lafa-guray xoojinta iskaashiga amniga iyo danaha istaraatiijiga ah.
Qodobada laga wada-hadlay ee madaxtooyadu baahisay waxaa sidoo kale kamid ah sugidda amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo guud ahaanba amniga.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa tilmaamay in Somaliland ay dhacdo meel xasaasi ah marka laga hadlayo sugidda amniga marin-biyoodka gobolka (Badda Cas, Bab Al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed) iyada oo leh in ka badan 850 km oo xeeb ah oo ku teedsan mid ka mid ah marin-biyoodada ugu muhiimsan adduunka.
Waxa uu xusay in amniga Xeebaha Somaliland uu yahay qayb ka mid ah amniga Gobolka iyo kan Caalamkaba.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in aan Somaliland indhaha laga lalin karin, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in cid kasta oo danaynaysa iskaashiga amni ee Xeebaha Somaliland ay si toos ah ula shaqayso kalana hadasho Jamhuuriyadda Somaliland.
Dhowaan wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa sheegay in dowladdu ka war-qabto howlaha amni oo Maraykanka ay u joogaan Somaliland, islamarkaana ay la soo socod-siiyaan tallaabo kasta oo ay qaadayaan.



Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.