DEGDEG: Sidee loo kala helay 89 kursi ee baarlamaanka Galmudug?
Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa goor dhow soo bandhigay natiijada doorashooyinkii gollaha wakiillada iyo tan degaanka ee dhowaan ka qabsoomay degmooyinka Galmudug. Guddoomiyaha guddigaasi...
Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa goor dhow soo bandhigay natiijada doorashooyinkii gollaha wakiillada iyo tan degaanka ee dhowaan ka qabsoomay degmooyinka Galmudug.
Guddoomiyaha guddigaasi Cabdikariim Axmed Xasan oo warfidiyeenka u qabtay shir jaraa’id ayaa faahfaahiyay sida ururradu u kala heleen codadkii la dhiibtay.
Ugu horreyn waxaa uu sheegay in tartankan ay ka qeyb galeen 12 urur iyadoo laga qabtay degmooyin gaaraya 11 degmo, waxaana lagu tartamay 89 kursi 197971 cod ayaa la dhiibtay waxaa ansaxmay 193451 cod halka ay hallaabeen codad gaaraya 4520 cod.
Sida ay codadka u kala heleen ururrada 89 kursi ee baarlamaanka Galmudug;
- Ururka cadaaladda iyo midnimada TIIR wuxuu helay 326 cod oo u dhiganta 0.17% wax kuraas ah ma helin
- Ururka Madalsan wuxuu helay 2172 cod oo u dhiganta 1.12% hal kursi ayuu helay
- Ururka muwaadiniinta Soomaaliyeed 345 oo u dhiganta 0.18% wax kursi ah ma helin
- Ururka dimuqraadiga Soomaaliyeed 172 cod oo u dhiganta 0.09% wax kursi ah ma helin
- Cadaaladda iyo Wadajir 135247 oo u dhiganta 70.79% wuxuuna helay 63 kursi
- Ururka Karaama wuxuu helay 1668 cod oo u dhiganta 5.51% waxaa uu helay 5 kursi
- Ururka SAAB wuxuu helay 2634 oo u dhiganta 1.36% waxaa uu helay 1 kursi
- Ururka Dan Shacab wuxuu helay 101 cod oo u dhiganta 0.05% wax kursi ah ma helin
- Ururka SINCAD 12862 cod oo u dhiganta 6.65% wuxuuna helay 6 kursi
- Ururka Dhallinyarada Talo-Qaran wuxuu helay 336 cod oo u dhiganta 0.17% oo kursi ah ma helin
- Ururka Ramaas wuxuu helay 2585 cod oo u dhiganta 1.34% wuxuu helay 1 kursi
- Ururka Tawfiiq wuxuu helay 26003 cod oo u dhiganta 13.44% wuxuuna helay 12 kursi
Sidaas ayay ururrada u kala heleen kuraasta gollaha wakiillada baarlamaanka Galmudug oo dhan 89 kursi.
Dhowaan ayay ahayd markii qaar kamid ah ururradu ay muujinayeen kalsooni darro ay ka qabaan shaqada guddiga doorashooyinka waxaana kamid ah ururradaasi Tawfiiq.
FG: Wararka la xariira doorashooyinka Galmudug waxaad kala socon kartaa halkaan.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.