Karaamo: Ma Aqbali Doonno Natiijo Aan Ka Tarjumeyn Codka Shacabka
Dhuusamareeb – Ururka Siyaasadeedka Karaamo ayaa sheegay inuusan aqbali doonin natiijo kasta oo ka soo baxda doorashada Golaha Deegaanka Galmudug haddii aysan ka tarjumeyn codadka dhabta ah ee ay...
Dhuusamareeb – Ururka Siyaasadeedka Karaamo ayaa sheegay inuusan aqbali doonin natiijo kasta oo ka soo baxda doorashada Golaha Deegaanka Galmudug haddii aysan ka tarjumeyn codadka dhabta ah ee ay dhiibteen shacabka, iyadoo maanta la filayo in Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha uu ku dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee doorashada.
Musharraxa Ururka Karaamo, Sheekh Muxyadiin Yuusuf Barre, ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Dhuusamareeb. Wuxuu sheegay in ururkoodu uu hayo xog iyo natiijooyin ay ka soo ururiyeen goobihii codbixinta, kuwaas oo uu sheegay inay ka duwan yihiin natiijada ay filayaan in guddiga doorashada ku dhawaaqo.
“Waxaan haynaa xogta iyo natiijooyinka aan ka soo aruurinnay goobaha codbixinta. Waxaan dareemeynaa inaan la shaacin doonin natiijada saxda ah, arrintaasna ma aqbali doonno,” ayuu yiri Sheekh Muxyadiin Yuusuf Barre.
Musharraxa ayaa sheegay inay jiraan waxyaabo ay ku tilmaameen musuq iyo ku shubasho doorasho, isagoo ku eedeeyay Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha inuusan u maamulin doorashada si hufan. Wuxuu xusay in haddii natiijada lagu dhawaaqo aysan ka tarjumeyn codkii shacabka, ururkoodu uusan aqbali doonin.
Sheekh Muxyadiin ayaa sidoo kale sheegay inuu hore ula socday doorashooyinkii ka dhacay Gobolka Banaadir iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, balse ay filayeen in doorashada Galmudug ay noqoto mid daahfuran oo lagu kalsoonaan karo.
“Waxaan rajeynaynay in Galmudug ay tusaale u noqoto doorasho xor iyo xalaal ah. Waxa aan hadda arkeyno ma aha wixii aan fileynay, waxaana uga digeynaa guddiga doorashada inay ku dhawaaqaan natiijo aan waafaqsaneyn codkii shacabka,” ayuu yiri.
Dhanka kale, Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaan weli ka hadlin eedeymaha uu jeediyay Ururka Karaamo iyo cabashooyinka ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah ururrada siyaasadeed ee ka qeybgalaya doorashada.
Wararka hordhaca ah ee ay helayaan ilo wareedyo kala duwan ayaa tilmaamaya in Ururka Siyaasadeedka JSP uu hoggaanka u hayo natiijooyinka hordhaca ah ee tirinta codadka. Hase yeeshee, xogtaasi weli ma aha mid rasmi ah, waxaana la sugayaa ku dhawaaqista natiijada kama dambaysta ah ee Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
Natiijada rasmiga ah ee doorashada Golaha Deegaanka Galmudug ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo maanta, iyadoo indhaha shacabka, ururrada siyaasadeed iyo daneeyayaasha doorashaduba ay ku wajahan yihiin go’aanka kama dambaysta ah ee guddiga doorashada.



No Comment! Be the first one.