TOP: JSP oo qaadatay kuraastii ugu badnayd ee Galmudug halka Tawfiiq ay…
Xisbiyada JSP iyo Tawfiiq ayaa helay kuraasta ugu badan ee gollaha wakiillada baarlamaanka Galmudug iyo tan gollaha degaanka. JSP ayaa gashay kaalinta koobaad halka labaad uu ku jiro xisbiga Tawfiiq....
Xisbiyada JSP iyo Tawfiiq ayaa helay kuraasta ugu badan ee gollaha wakiillada baarlamaanka Galmudug iyo tan gollaha degaanka.
JSP ayaa gashay kaalinta koobaad halka labaad uu ku jiro xisbiga Tawfiiq.
Sida horey loo saadaalinayay marka loo eego ollolihii doorashada ee Xisbiga Tawfiiq ma aynaan u dhicin qaabkii la filaayay.
Xibsiga JSP ayaa helay 63 kursi halka xisbiga Tawfiiq uu helay 12 kursi.
Sidoo kale kuraasta gollaha degaanka ayaa JSP uu ka helay 115 kursi halka Tawfiiq uu helay 49 kursi.
Guddoomiyaha xisbiga Tawfiiq Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa horey u sheegay in aysan aqbali doonin natiijo aan cadaalad iyo xor ahayn.
Sidoo kale waxaa sidaasi iyana ku dhawaaqay musharraxa madaxweyne ee Xisbiga Karaama Sheekh Muxiyadiin Yuusuf Barre.
FG: wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Galmudug kala soco halkaan
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.