Sheekh Shaakir “Natiijadii lagu dhawaaqay khatar ayay Galmudug gelin kartaa”
Guddoomiyaha Xisbiga Tawfiiq ee ka qeyb galay doorashadii Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo warbaahinta kula hadlay magaaladan Dhuusamareeb ayaa si adag uga hor-yimid natiijadii ay...
Guddoomiyaha Xisbiga Tawfiiq ee ka qeyb galay doorashadii Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo warbaahinta kula hadlay magaaladan Dhuusamareeb ayaa si adag uga hor-yimid natiijadii ay shaaciyeen guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Soomaaliya.
Sheekh Shaakir ayaa sheegay inaysan sin caddaalad ah oo xor ah ay u dhicin doorashadii gollaha wakiillada iyo tii baarlamaanka ee Galmudug.
Guddiga doorashada ayuu ku eedeeyay wax isdaba-marin iyo hannaan aan cadaalad ahayn, isagoo cod dheer ku sheegay in ay ku baaqayaan in dib loogu laabto doorashada.
“Waxaan cambaaraynaynaa ciddii Duuf-laalaysay dadkii u soo dhibtooday codadkooda, Sanduuq lagu dhibaateeyay oo been abuur ah ama ha noqoto qoraal lagu dhibaateeyay oo been abuur ah aad baan uga xunnahay waana cambaaraynaynaa”
Guddoomiyaha xisbiga Tawfiiq ayaa sheegay in Galmudug ay tahay Caloosha Soomaaliya muhiimna ay tahay in la saxo doorashadii dhowaan ka qabsoontay.
“Waxaan ku baaqaynaa in saxo doorashadii Galmudug ka dhacday, in dib loogu laabtay doorashadii Galmudug ka dhacday oo bulshada Galmudug la qanciyo taasna waa ku baaqaynaa” ayuu hadalkiisa ku sii daray.
Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa sidoo kale ka digay Natiijada guddigu ku dhawaaqay isagoo sheegay in khatar ay keeni karto haddii aan la saxin.
FG: Wararkii ugu dambeeyay doorashada kala soco halkaan Dayaxmedia.com
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.