Ciidanka Puntland oo la wareegay xeradii PSF kaddib dagaal kooban
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal muddo kooban socday oo saaka ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Wariyaha Dayax Media ee Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in ciidamada Puntland ay gudaha u galeen...
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal muddo kooban socday oo saaka ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Wariyaha Dayax Media ee Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in ciidamada Puntland ay gudaha u galeen xaruntii ciidanka PSF ay ku lahaayeen Gaalkacyo.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii saaka oo u badan ciidamada labada dhinac ee dagaallamay, waxaana la isku adeegsanayay madaafiic culus oo daryankooda laga maqlayay gudaha magaalada Gaalkacyo.
Ciidamada Puntland ayaa la wareegay hub iyo gaadiid dagaal oo ciidanka PSF ay kaga tageen xerada, waxaana jira saraakiil Puntland ay soo bandhigtay iyo askar ay sheegeen inay isa soo dhiibeen.
Xaaladda ayaa iminka deggan, waxaana weli jira saan-saan colaadeed oo u dhaxeysa ciidamada Puntland iyo kuwa PSF.
Dhowaan waxaa degaanno ka tirsan Puntland ka taagnaa xiisado dagaal oo u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo kuwa kale oo sheegay in ay hoostagaan dowladda federaalka Soomaaliya.
Wixii ka soo kordha xaaladda Gaalkacyo halkaan kala soco
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.