Xisbiga Tawfiiq oo war culus ka soo saaray Natiijada doorashada sheegayna in haddii…
Ururka dib u heshiisiinta iyo horumarinta Tawfiiq ayaa warsaxaafadeed uu baahiyay ku sheegay inuu qaadacay Natiijada doorashadii dhowaan ka qabsoontay dowlad goboleedkani Galmudug. Xisbiga Tawfiiq...
Ururka dib u heshiisiinta iyo horumarinta Tawfiiq ayaa warsaxaafadeed uu baahiyay ku sheegay inuu qaadacay Natiijada doorashadii dhowaan ka qabsoontay dowlad goboleedkani Galmudug.
Xisbiga Tawfiiq ayaa war-murtiyadeedka lagu sheegay inuu aaminsan yahay in codadka ay dhiibteen shacabka lagu sameeyay musuq, islamarkaana arrintaasi aynaan ahayn wax u cuntami kara reer Galmudug.
Waxaa sidoo kale Tawfiiq uu sheegay inuu ka walaacsan yahay saameynta xun oo ay reebi doonto doorashadani.
HOOS KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA;

Wixii ka soo kordha halkaan kala soco
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.