DEGDEG: Ciidankii DF ee Puntland joogay oo soo galay dhanka Galmudug
Cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka oo ku sugnaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa u dhaqaaqay jihada Galmudug. Ciidamadani oo wata gaadiid dagaal ayaa isaga soo baxay...
Cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka oo ku sugnaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa u dhaqaaqay jihada Galmudug.
Ciidamadani oo wata gaadiid dagaal ayaa isaga soo baxay waqooyiga Gaalkacyo, iyagoo u soo baqoolay dhanka gobolkani Galgaduud.
Ilo-amni oo la hadlay Dayax Media ayaa xaqiijiyay in ciidamadani ay ka war heleen in Puntland ay qorsheysay in ay ka qaaddo tallaabo amni islamarkaana farriinkooda lagu weerari doono saacadaha soo socda.
Ciidankani oo u dhashay gobolka Mudug waqooyigiisa ayaa muddooyinkii dambe lagu qaabeeynayay halkaasi.
Odayaasha Kaaba-qabiilka qaarkood oo isku dayay in ciidanka ay ku qanciyaan in ay dib ugu laabtaan fariisimahooda ayaa ku guul-dareystay arrinkaasi.
Sida ilaha war-galka ah ay sheegayaan ciidankani ayaa soo galay qeybo kamid ah gobolkani Galgaduud.
Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa shalay ku dhawaaqay in dowladdiisu ay la dagaallami doonto ciidan kasta oo meel kale laga xukumo islamarkaana ay xaqiijin doonaan xasiloonida iyo nabadgalyada ka jirta gobolkaasi.
Wixii ka soo kordha dib kala soco halkaan.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.