Kenya oo eedeyn culus u jeedisay mid kamid ah madaxda DFS – Waa Kuma?
Majaladda The East African ayaa daboolka ka qaadday in weli dowladda Kenya ay dalkeeda u oggalayn inuu soo galo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Jabriil Cabdirashiid Xaaji, kaasoo dhowaan...
Majaladda The East African ayaa daboolka ka qaadday in weli dowladda Kenya ay dalkeeda u oggalayn inuu soo galo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Jabriil Cabdirashiid Xaaji, kaasoo dhowaan sheegay inuu dib u celiyay dhalashadii dalkaasi.
Kenya ayaa shaaca ka qaaday in mudane Jabriil weli ay ku heyso liiska dadka aysan u oggalaanaynin in dalkeeda yimaadaan.
Xukuumadda Nairobi ayaa sheegtay in RW ku xigeenka XFS Jabriil Cabdirashiid uu xiriir la leeyahay malleeshiyaad ku sugan xuduudka iyo Kenya iyo Soomaaliya islamarkaana uu u fidiyo taageero, inkastoo aysan soo bandhigin caddaymo xoojinaya eedddaasi.
Waxaa kaloo ay tilmaamtay in horey mudanaha ay uga celisay garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyatta arrimo la xariira baasaboorkeeda oo uu ku safrayay.
Inkastoo RW ku xigeenka dhowaan uu sheegay inuu celiyay baasaboorkii Kenya, haddana Kenya waxa ay sheegaysaa in weli uu jiro liiska dadka hay’adaha amniga ay la socdaan dhaqdhaqaaqooda oo aysan u oggalayn gudaha dalkeeda.
Majaladdaan ayaa sidoo kale sheegtay in Kenya ay ka walaacsan tahay Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya mudane Jabriil Cabdirashiid dhaqdhaqaaqyada dhanka xuduudda ah ee uu ku lugta leeyahay.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.