DEGDEG: Hubkii ku jiray xeradii PSF ee Gaalkacyo oo laga iibiyay Alshabaab
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya hubkii ciidamada PSF ee lagu la wareegay xeradii ay kaga sugnaayeen magaalada Gaalkacyo. Wakaalad Caalami ah ayaa baahisay in hubkii todobaadkii hore waqooyiga...
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya hubkii ciidamada PSF ee lagu la wareegay xeradii ay kaga sugnaayeen magaalada Gaalkacyo.
Wakaalad Caalami ah ayaa baahisay in hubkii todobaadkii hore waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland looga qabsaday ciidankii PSF laga iibsaday Alshabaab.
Hubkani oo aad u badnaa ayaa lagu boobay maalinkii Arbacada ee todobaadkii tegay xerada PSF ee waqooyiga Gaalkacyo ayaa laga iibshay ururka Alshabaab.
Ilo amni ayaa xaqiijiyay in hubkan oo tiradiisa aan la ogayn uu u gacan galay Alshabaab oo ay ku iibsadeen adduun dhaqaale.
Wararka ka soo baxayay weerarkii Puntland ay ku qabsatay xeradaasi ayaa tilmaamayay in hub, rasaas iyo gaadiid dagaal oo lagu rakibay qoryaha waa weyn la qabtay ama la dhacay. Maamulka Puntland ayaa si gooni gooni ah u sheegay in ay gacanta ku dhigeen hub iyo qalab ciidan oo aad u badan intii uu socday howlgalka.
Xog ay heshay Shabakadda Badbaadada SOLDA ayaa sheegeysa in qeyb ka mid ah hubkii laga soo saaray dhismaha Gaalkacyo la sheegay in hadda la iibiyay ama lagu wareejiyay shaqsiyaad lala xiriirinayo Al-Shabaab.
Saraakiisha ammaanka ee Puntland ayaana wali ka jawaabin eedeyntani ku saabsan hubkii PSF ee lagu la wareegay xerada Gaalkacyo.
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan furitaanka kal-fadhigii 8-aad ee baarlamaanka labadiisa aqal ka hor sheegay in dowladdu ay qorsheyneyso sidii loo dardar-gelin lahaa howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.