Wasaaradda arrimaha dibadda oo lagu eedeymo culus loo jeediyay
Hanti dhowrka guud ee DFS Axmed Ciise Guutaale oo shir saxaafadeed ku qabtay maanta magaalada Muqdisho ayaa eedeyn culus u jeediyay wasaaradda arrimaha dibadda iyo hay’ado kale oo ka tirsan dowladda....
Hanti dhowrka guud ee DFS Axmed Ciise Guutaale oo shir saxaafadeed ku qabtay maanta magaalada Muqdisho ayaa eedeyn culus u jeediyay wasaaradda arrimaha dibadda iyo hay’ado kale oo ka tirsan dowladda.
Wuxuu sheegay in baaris lagu sameeyay 22 xarumo dowladeed ah iyo 32 mashruuc kuwaasoo ka socda dalka, isagoo sheegay in baarista lagu ogaaday inay jiraan 66 khalladaad.
Guutaale, ayaa sheegay in miisaaniyadda hay’adaha la baaray ay u dhiganto 60.1% iyada oo ay lacagtaasi tahay 821,996,254 halka wadarta miisaaniyadda dowladda ay tahay 1,359,714,328.
Hanti dhawrka guud Axmed Guutaale ayaa sheegay in 59% hay’adaha maray baarista aysab raacin habraacyada guddiyada qandaraasyada iyo qorshaha iibka halka 53% aysan iyaguna marin habraacyada xulashada adeeg-bixiyeyaasha iyo la-taliyeyaasha sidoo kale 46% hay’adaha baarista maray aanay dhisin guddiyada dallacsiinta, abaal-marinta iyo anshaxa.
Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibadda ayuu ku eedeeyay wax isdabamarin iyo maamul xumo.
“Wasaaradda arrimaha dibadda waxay dalka dibaddiisa u dirtay 14 diblumaasi iyada oo aan si buuxda u raacin shuruucdii looga baahnaa halka 19 shaqaale aysan qaadan tababarka diblumaasiyadda ka hor inta aysan howlgelin” ayuu yiri MR. Guutaale.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.