Cabdulqaadir Jaamac oo loo doortay Guddoomiyaha Gollaha Shacabka
Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa maanta loo doortay guddoomiyaha gollaha shacabka ee baarlamaanka federaalka oo waqtigiisu dhammaaday kol hore. Guddoomiye Cabdulqaadir ayaa...
Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa maanta loo doortay guddoomiyaha gollaha shacabka ee baarlamaanka federaalka oo waqtigiisu dhammaaday kol hore.
Guddoomiye Cabdulqaadir ayaa helay 142 cod oo kamid ah xildhibaannada gollaha halka musharrixii la tartamayay ee xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin(Daada) uu isna helay 30 cod.
Doorashadani maanta ka dhacday aqalka gollaha shacabka ayaa timid kaddib markii dhowaan uu kursiga ugu sarreeya gollaha uu banneeyay Sheekh Aadan Madoobe oo loo doortay madaxweynaha Koonfur Galbeed kaddib doorasho muran dhalisay oo ka dhacday Baydhabo.
Sida la fahamsan yahay, guddoomiye Cabdulqaadir ayay dabada ka riixaysay Villa Somalia, iyadoo kala cararaysay in guddoonka gollaha shacabka uu yimaado dhanka Mucaaradka.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.