Puntland oo qaadaysa tallaabo soo afjaraysa damaca Villa Somalia
Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in degaannadeeda aysan ka jiri doonin ciidamo shakhsi leeyahay ama kuwa reer, islamarkaana laga hor-tegayo wax kasta oo liddi ku ah nabad-galyada iyo...
Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in degaannadeeda aysan ka jiri doonin ciidamo shakhsi leeyahay ama kuwa reer, islamarkaana laga hor-tegayo wax kasta oo liddi ku ah nabad-galyada iyo xasiloonida degaannadaasi.
Hadalkani waxaa ka dhawaajiyay madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Luga-toor, isagoo sheegay inay ka go’an tahay xoojinta dowladnimada iyo kala dambeynta.
Waxaa uu ku gooddiyay in Puntland ay soo afjarayso ciidan kasta oo shakhsi uu leeyahay ama mid beeleed.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in aysan jiri doonin qori aan mid dowladeed ahayn oo lagu heysan karo degaannada uu ka arrimiyo Puntland.
Madaxweyne ku xigeen Ilyaas Luga-toor ayaa sheegay in Puntland ay leedahay Kheyraad dabiici ah oo mustaqbalka sabab u noqon kara fursado dhaqaale.
Puntland ayaa dhowaan 48 saac u qabatay ciidamada kale duwan ee ku sugan degaannadeeda kuwaasoo kal hore sheegay in ay hoos tagaan dowladda FS, halka qaar kamid ah ciidankaasi xeryihii ay deganaayeen ay la wareegtay Puntland kaddib weerarro ay ku qaadday waxaana kamid ah magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.