Geeda-Qorow oo Amar culus dul-dhigay Ganacsatada Xoolaha
Dowladda hoose ee magaalada Dhuusamareeb ayaa amar cusub dul-dhigtay ganacsatada xoolaha ee magaaladani. Guddoomiyaha ahan duqa caasimadda Galmudug mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed(Geeda-Qorow) ayaa...
Dowladda hoose ee magaalada Dhuusamareeb ayaa amar cusub dul-dhigtay ganacsatada xoolaha ee magaaladani.
Guddoomiyaha ahan duqa caasimadda Galmudug mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed(Geeda-Qorow) ayaa faray dhammaan ganacsatada xoolaha in ay u wareegaan suuqa cusub ee loo qorsheeyay xoolaha.
Dowladda hoose ee Dhuusamareeb ayaa waayadii dambe waday dedaallo ay ku doonayso in suuq cusub loo raro seeladda xoolaha.
Ganacsatada xoolaha qaar ayaa u sheegay Dayax Media in ay tallaabadani soo dhoweynayaan islamarkaana suuqa cusub ay rajaynayaan inuu wax ka beddalo ganacsiga xoolaha ee magaalada.
Muddooyinkii dambe waxaa caasimadda Galmudug ka socday dib u dhisyo lagu sameynayay Kaaba-yaasha dhaqaalaha oo ay ku jiraan waddooyinka, iyadoo la dhisay laamiga dheer ee magaalada kala dhex-mara.
Qorsheyaashan ayaa u muuqda kuwa wax badan ka beddali doona arrimaha ganacsiga iyadoo la filayo inay ka qeyb qaataan kobaca dhaqaalaha ee Galmudug.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.