DEGDEG: Wasiir ka tirsanaa XFS oo is-casilay kaddib markii ay soo…
Digreeto uu soo saaray wasiir ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ku dhawaaqay in wixii maanta ka dambeeya uu iska casilay gollihii wasiirrada ee uu kamidka ahaa. Wasiir ku xigeenka...
Digreeto uu soo saaray wasiir ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ku dhawaaqay in wixii maanta ka dambeeya uu iska casilay gollihii wasiirrada ee uu kamidka ahaa.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha mudane Maxamuud Cabdullaahi Axmed(Abuukaate), ayaa wareegto u uku saxiixan yahay ku sheegay in taariikh 13-08-2026 oo maanta ah uu iska casilay jagadaasi.
Warqadda Is-casilaaddiisa oo uu ku socod-siiyay RW Xamsa Cabdi Barre halka uu ku ogaysiiyay MW Xasan Sheekh, ayuu ciwaan uga dhigay “Is-casilaad”.
Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Maxamuud Abuukaate ayaan shaacin sababta ka dambeysa inuu iska casilo kursigaasi.
Sidoo kale waxaa uu digreetada ugu mahadceliyay madaxda dalka fursadda ay u siiyeen inuu u shaqeeyo umadda Soomaaliyeed.
Horey dhowr wasiir ayaa iska casilay xilalkii ay ka hayeen xukuumadda Soomaaliya wasiirradaasi oo badi degaan doorashadoodu ay ahayd Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland iyadoo la xasuusto inay xilalkooda uga tageen khilaafaadyada siyaasadeed ee aan xalka weli loo helin.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.