Puntland oo mar kale DF ku eedeysay inay colaad ka hurineyso Gaalkacyo
Qoraal ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh safarkiisa Galmudug uu daaran yahay colaad uu ka hurinayo magaalada Gaalkayo oo ay kala maamulaan labada maamul. Waa markii...
Qoraal ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh safarkiisa Galmudug uu daaran yahay colaad uu ka hurinayo magaalada Gaalkayo oo ay kala maamulaan labada maamul.
Waa markii labaad oo Puntland ay dowladda FS ku eedeyneyso inay dagaal sokeeye oo ay ka abaabulayso magaalada Gaalkacyo.
Safarka Madaxweynaha ee Galmudug ayay ku tilmaamtay inuu yahay fitno iyo qalqal gelinta ammaanka gobolka Mudug.
Sidoo kale, qoraalka Puntland ka soo baxay ayay ku sheegtay inay Galmudug ku ammaanayso sidii ay isaga diidday qorshe dagaal looga ridi lahaa magaalada Gaalkacyo.
MW Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu soo gaaro magaaladani Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.