MW Xasan Sheekh oo si kulul ugu jawaabay Puntland sheegayna in…
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo ay ka hor-tagayso cid kasta oo isku dayda inay daadiso dhiigga shacabka ama qal-qalin gelin...
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo ay ka hor-tagayso cid kasta oo isku dayda inay daadiso dhiigga shacabka ama qal-qalin gelin amni oo dhaawici karta midnimada dalka.
Midnimada dalka ayuu sheegay in dowladdu ay masuuliyad ka saaran tahay islamarkaana wuxuu si adag u sheegay in dowladdiisu aysan doonayn inay dhiig daadiso.
Isagoo farriin u diraya dad dowladda ku eedeynaya inay u socoto colaad qabiil ayuu sheegay MW Xasan in Arrimaha la isku khilaafsan yahay ay yihiin kuwa siyaasadeed oo aysan ahayn kuwa qabiil ama degaan.
Madaxwewynaha ayaa u digay dadka wada hadallada iyo dhaq-dhaqaaqyada kicin kara colaadda qabiilka oo horey bulshadu ay uga bogsatay.
Waxaa uu tilmaamay in xukuumaddiisa ay masuuliyad gaar ah ka saaran tahay ilaalinta amniga iyo midnimada dadka Soomaaliyeed oo ay ku dadaalayso sidii la isugu heyn lahaa.
Puntland ayaa xalay ku eedeysay madaxweyne Xasan Sheekh inuu abaabulayo colaado sokeeye oo ka dhaca magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo ay ka kala arrimiyaan dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.