Daawo: Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray Kumanaan Askari oo ka tirsan DFS
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta tababar u soo xiray kumannaan askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta tababar u soo xiray kumannaan askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo muddooyinkii dambe lagu diyaarinayay degaanka Xananbuurre oo hoostaga magaalada Dhuusamareeb.
Askartani oo laga soo qoray dhammaan gobollada Soomaaliya, ayaa noqonaya ciidamadii ugu badnaa ee tababar heerkan ah ku qaata gudaha dalka tan iyo burburkii dalka sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.
Sidoo kale warka ka soo baxay Villa Somalia waxaa algu in iyaga oo qaatay duruus iyo tababbarro ciidan oo dhammaystiran, kuwaasi oo ku saabsanaa xirfadaha ciidanka, anshaxa iyo xeerka ciidanka, xeeladaha dagaalka iyo aqoonta lagama maarmaanka u ah gudashada waajibaadka qaran.
Mudane Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in ciidamadan ay astaan u yihiin soo kabashada dowladnimada iyo dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, maadaama markii ugu horreysay kumannaan askari ay ku qalin-jabiyeen dugsi ciidan oo ku yaalla gudaha dalka, iyagoo si rasmi ah ugu biiraya safafka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
“Waxaan idiin kula dardaarmayaa inaad ilaalisaan anshaxa iyo sharafta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, dhowraan midnimada iyo qarannimada dalka, ayna waajibaadkooda u gutaan si daacadnimo, waddaniyad iyo masuuliyad leh” ayuu yiri MW Xasan Sheekh.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Hawlaha Guud, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Maamulka Gobolka Galguduud iyo kan magaalada Dhuusamareeb iyo mas’uuliyiin kale.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia














No Comment! Be the first one.