DEGDEG: Dil caawa ka dhacay Gaalkacyo iyo Ciidanka ammaanka oo …
Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ku warramaya in dil caawa uu ka dhacay gudaha magaaladaasi. Dilka ayaa loo geystay Cabdulqaadir Maxamed Cali oo ku magac dheeraa...
Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ku warramaya in dil caawa uu ka dhacay gudaha magaaladaasi.
Dilka ayaa loo geystay Cabdulqaadir Maxamed Cali oo ku magac dheeraa Xarrago kana mid ahaa ragga ka shaqeeya mid kamid ah Geereshyada ku yaalla magaalada.
Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayuu dilkan ka dhacay waxaana Taliska Booliska Puntland uu isla caawa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen eedeysanaha geystay dilka.
Ciidamada Ammaanka ayaa dilka kaddib gacanta ku soo dhigay Asad Faarax Silig oo isaga loo heysto inuu geystay.
Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe aad u wanaagsanaa iyadoo ay iska kaashanayaan maamullada dariska ah ee Galmudug iyo Puntland
Wixii warkaasi ka soo kordho kala soco halkaan.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.