Wafdi ka socda QM oo Laascaanood kula shiray madaxda Waqooyi Bari
Waxaa magaalada Laascaanood ee caasimadda maamulka Waqooyi Bari tegay wafdi uu hoggaaminayo ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya sidoo...
Waxaa magaalada Laascaanood ee caasimadda maamulka Waqooyi Bari tegay wafdi uu hoggaaminayo ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya sidoo kalena ah isu duwaha gargaarka beni’aadannimada George Conway.
Wafdigani ayaa kulan kula qaatay aqalka madaxtooyada madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha Cabdirashiid Yuusuf Jabriil.
Kulanka ayaa looga hadlay wada-shaqeynta labada dhinac, arrimaha gargaarka iyo sidoo kale xaaladda beni’aadantinimo ee degaannada maamulkaasi.
Dhinaca kale, wafdiga Qaramada Midoobay ka socday ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan wada-shaqaynta maamulka Waqooyi Bari, si wax looga qabto baahiyaha bani’aadannimo iyo kuwa horumarineed ee ka jira deegaannada maamulkaas.

Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.