Puntland oo si rasmi ah ula wareegtay ciidankii GEN. Jimcaale
Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Deni ayaa maanta munaasabad kooban oo ka dhacday duleedka Garoowe kula wareegtay ciidamadii Danab ee hoos tagayay dowladda federaalka. Senator...
Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Deni ayaa maanta munaasabad kooban oo ka dhacday duleedka Garoowe kula wareegtay ciidamadii Danab ee hoos tagayay dowladda federaalka.
Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab, maamulka Nugaal iyo masuuliyiin kale ayaa maanta tegay xerada Ligle ee Garoowe halkaasoo ay ku xaraysnaayeen ciidamadani.
Taliyaha ciidankani Danab GEN. Jimcaale Jaamac Takar ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Danab ay horay uga tirsanaayeen Puntland haddana ay dib uga mid noqonayaan.
Madaxweynihii hore ee Puntland islamarkaana hadda ah xubin ka tirsan aqalka sare ee BFS ayuu howshan u xil saartay MW Deni kaas oo sheegay in khilaafkii ka taagnaa ciidankani la soo gaba-gabeeyay.
Ciidamada Danab ee ah guuto ka tirsanayd Daraawiishta Puntland ayaa sanadkii 2025-kii shaaciyay inay hoos tagayaan dowladda federaalka.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.