DEGDEG: Aadan Madoobe oo degdeg uga soo baxay Baydhabo kaddib markii…
Madaxweynihii dhowaan lagu doortay doorashadii khilaafka uu ka taagnaa ee magaalada Baydhabo Aadan Maxamed Nuur(Aadan Madoobe) ayaa safar degdeg ah kaga soo baxay magaaladaasi ku soo gaaray magaalada...
Madaxweynihii dhowaan lagu doortay doorashadii khilaafka uu ka taagnaa ee magaalada Baydhabo Aadan Maxamed Nuur(Aadan Madoobe) ayaa safar degdeg ah kaga soo baxay magaaladaasi ku soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Tallaabadan ayaa loo aaneynayaa dagaal saacado badan socday oo saaka ka dhacay Baydhabo, kaddib markii ciidanka taabacsan Lafta-Gareen ay weerar ku ekeeyeen magaalada.
Ilo wareedyo ka tirsan aqalka madaxtooyada Koonfur Galbeed oo la hadlay Dayax Media ayaa sheegay in madaxweyne Aadan Madoobe uu saaka diyaarad nooca qumaatiga u kaca kaga soo baxay magaalada Baydhabo.
Madoobe ayaa hore u sheegay inuu qabo walaac amni oo ku saabsan ciidamada maamulkii hore ee farsiimaha ku leh bannaanka magaalada Baydbabo.
Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta dowladda FS GEN. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa shir jaraa’id oo uu dhowaan ku qabtay magaalada Nairobi ugu gooddiyay Aadan Madoobe inuusan nabad ku jiifanaynin madaxtooyada Baydhabo.
Dhowr jeer oo hore ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed(Lafta-Gareen), ayaa weerarro dhaliyay khasaare ku soo qaaday magaalada Baydhabo.
Illaa iminka madaxtooyada Koonfur Galbeed ma aysan xaqiijin warka ku saabsan safarka madaxweyne Aadan Madoobe ee magaalada Muqdisho uu ku soo gaaray maanta barqadii.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.