DEGDEG: Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo caawa ka socda Gaalkacyo
Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in caawa halkaas ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda. Puntland ayaa galabta ku dhawaaqday in gebi...
Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in caawa halkaas ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda.
Puntland ayaa galabta ku dhawaaqday in gebi ahaanba ay xirtay xuduudkii ay la lahayd Galmudug, islamarkaana ciidamadeeda ay gelisay heegan buuxa si ay u adkeyso ammaankeeda maadaama ay sheegtay inay heshay xogo ku saabsan falal amniga liddi ku ah oo kaga imaan kara dhanka Koonfurta Gaalkacyo.
Sidoo kale caawa waxaa Gaalkacyo qeybteeda Galmudug ku sugan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hoggaaminayay.
Ciidamada dowladda federaalka, kuwa Galmudug iyo ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha ayaa aad u adkeeyay ammaanka magaalada, iyadoo mudane Xasan Sheekh uu halkaa ka wado kulamo kale duwan oo uu la yeelanayo maamulka, siyaasiyiinta iyo bulshada qeybaheeda.
Dhanka kale, MW Saciid Deni oo horay ugu sugnaa Waqooyiga Gaalkacyo ayaa wada kulamo siyaasadeed.
Waxaa lagu soo warramayaa in magaalada caawa ay kala xiran tahay oo wax isku gudbi kara aysan jirin labada dhinac ee Gaalkacyo oo ay ka kala arrimiyaan Galmudug iyo Puntland.
Wixii ka soo kordha kala soco halkaan.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.