MW Xasan Sheekh oo kormeeraya xarumo muhiim ah+Sawirro
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa maanta kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta, Prof. Cadow ee magaalada...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa maanta kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta, Prof. Cadow ee magaalada Gaalkacyo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixin ka dhageystay maamulka dugsiga, isaga oo soo indha-indheeyay fasallada, goobaha tababarka, xafiisyada maamulka, guryaha deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee xarunta.
Dugsigani ayaa ardayda lagu baraa xirfado ay ka mid yihiin korontada, dhismaha guryaha, cilmiga kombiyuutarrada iyo farsamada gaadiidka.
Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug ayuu Xasan Sheekh ku boggaadiyay sida mudnaanta loo siinayo hirgelinta mashaariicda waxtarka u leh bulshada, gaar ahaan kuwa lagu horumarinayo waxbarashada farsamada gacanta iyo kobcinta xirfadaha dhallinyarada.
Madaxweynaha ayaa xusay in maal-gelinta xarumaha noocan oo kale ah ay door muhiim ah ka qaadanayso yaraynta shaqo la’aanta, maadaama ay dhallinyarada siinayaan aqoon iyo xirfado ay ku shaqaysan karaan, isla markaana ay ku abuuran karaan fursado shaqo oo cusub.















Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.