Wasiir Fiqi oo booqday Taliska Danab ee Gaalkacyo (Sawirro)
Wasiirka Gaashaandhigga dowladda FS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta booqday xarunta Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee magaalada Gaalkacyo. Kormeerkani waxaa...
Wasiirka Gaashaandhigga dowladda FS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta booqday xarunta Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee magaalada Gaalkacyo.
Kormeerkani waxaa wasiirka ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo saraakiil kale oo ka tirsan xoogga dalka.
Wasiir Fiqi ayaa ciidamada Danab gaar ahaan taliska Gaalkacyo ku boggaadiyay dadaallada ay kaga qeyb qaadanayaan xasilinta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Waxaa sidoo kale uu kula dardaarmay inay laba-laabaan dedaalkooda ku aaddan dib u soo celinta amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.
Danab oo ka tirsan xoogga dalka ayaa ah unug si gaar ah ula shaqeeya ciidamada Maraykanka ee ku sugan gudaha dalka.












Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.